Hague (HCTV) – Madaxa Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee Magaceeda loo soo gaabiyo ICC ayaa Taliska Ciidammada Suudaan ee xukunka dalkaasi sida ku meel-gaadhka ah gacanta ugu haya u soo jeedisay inay u soo gacan-geliyaan Madaxweynihii Xilka laga tuuray Omar Hassan Al Bashir, kaasi oo hadda ku jira Xabsi ku yaalla Magaalada Khartoum.
Xeer-ilaaliyaha ama Dacwad oogaha Maxkamadda ICC Fatou Bensouda oo Arbacadii hadashay waxay sheegtay in Al-bashiir loo haysto dambiyo ka dhacay Waqooyiga Gobolka Darfur.
Fatou Bensouda oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u sheegtay in inkasta oo aan la hubin Mustaqbalka Suudaan, haddana ay tahay wakhtigii wax la qaban lahaa, laakiin waxay si gaar ah uga hadashay dambiyada loo haysto Al-bashiir “Al-bashiir waalla xidhay, waxaana lagu soo oogay dambiyo gudaha ah..” ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay “Suudaan waxa waajib ka saaran tahay inay eedaysanayaasha u gudbiso ICC.”
Laba Waaran oo la doonayo in lagu soo qabto Al-bashiir ayaa Maxkamaddu soo saartay sanadihii 2009 iyo 2010, iyadoo loo haystay Shan Dambi oo Bani-aadamnimiada ka dhan ah, kuwaasi oo ka mid yihiin Dil, burburin, Jidh-dil iyo kufsi.
Laakiin, Golaha Milletariga Suudaan ee haya xukunka dalkaasi ayaa markii Al-bashiir la xidhay sheegay in aanay u gacan-gelinayn ICC.
Horn Cable Tv
Waaxda ONLINE-ka