ilaalada kacaanka Iran ayaa saaka shaaciyay inay soo rideen diyaarad nooca daroonka loo yaqaano ah oo soo gashay hawadooda.
sarkaal u hadlay ciidanka Iran ayaa sheegay in Iran ay diyaar u tahay dagaal buuxa isla markaana ay ka jawaabayaan gardarro kasta oo dibadda kaga timadda.
Afhayeen u hadlay gaashaan dhigga Maraykanka ayaa beeniyay sheegashada Iran ee ah in diyaaradaasi ay soo gashay hawadooda.