Breaking News

Trump oo ka Hadlay Diyaaradii Maraykanka ee Iran ay Soo Ridday.

By HCTV

June 20, 2019

Washington (HCTV) Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump oo hadlay diyaaradda Maraykanku leeyahay oo Iran ay maanta soo ridday waxaa uu yidhi

” Iran Khalad Wayn ayay Samaysay” isagoo hadalkaasi soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

ilaalada kacaanka Iran ayaa saaka shaaciyay inay soo rideen diyaarad nooca daroonka loo yaqaano ah oo soo gashay hawadooda. sarkaal u hadlay ciidanka Iran ayaa sheegay in Iran ay diyaar u tahay dagaal buuxa isla markaana ay ka jawaabayaan gardarro kasta oo dibadda kaga timadda.

Afhayeen u hadlay gaashaan dhigga Maraykanka ayaa beeniyay sheegashada Iran ee ah in diyaaradaasi ay soo gashay hawadooda.

HORN CABLE TV. WAAXDA ONLINE-KA