Muslimiin Masaajid u baahan iyo Kiristaan “Dagaal ka Xiga” oo Meel ku wada nool.

  

Magaalada Aksum ee ku taalla waqooyiga dalka Ethiopia, isla markaana ah Magaalo da’ wayn oo xarun u ahaan jirtay Boqortooyadii Aksum, ayaa muslimiinta halkaasi ku nool waxaa loo diidan yahay inay masaaji halkaasi ka dhistaan.

Kiristaanka itoobiya ee haysta mad-habta Ortodhogiska ayaa sheegay inay aanay ogolaan doonin in magaaladaasi laga dhiso masaajid.

” hadii laysku dayo in Masaajid laga dhiso halkan, dhimasho ayaanu ka xignaa. waligeed lama ogolayn mana ogolaan doono inay intaanu noolnahay” ayuu yidhi Godefa Merha. Waxuu intaas ku daray “Aksum waxay noo tahay Makka oo kale”

MUSLIMIINTA OO LAGU KHASBAY INAY DIBADDA KU TUKADAAN.

muslimiinta ku nool magaalada Aksum ayaa hadda soo dhigay olale la magac baxay “Muslimiinta Aksum cadaadal aya rabaan” taasi oo ay ku doonayaan xuquuqda ay ku dhisan lahaayeen masaajid laga addimo oo ay ku tukadaan.

Abdu Mohammed Ali, waa 40 jir muslim ah oo ka mid ah dadka deegaanka waxaa uu sheegay in qoyskoodu afar jiil halkaasi degenaayeen isla markaana guryo ay leeyihiin kiristanku ay kiraysteen si muslimiintu ugu tukadaan.

dadka ku nool magaalada oo Tiradooda lagu qiyaasay 73,000. shacabkaa boqolkiiba 10% waa muslimiin halka 85% ay orotodhogos. waxaa jira 5% kasoo jeeda kiristanka laga tirada badan yahay.

” waxaanu leenahay 13 goobood oo ah masaajido ku meel gaadh ah, hadii ay kiristaanku ay maqlaan eedaanka salaadda,waxay nagu yidhaahdaan waxaad ku qaylinaysaan St Marry” ayuu yidhi Aziz Mohammed.

Aziz Mohammed, waa dhakhtar Muslim ah oo muddo 20 sano ah ku nool Aksum ayaa yidhi muslimiinta waxaa lagu qasbay inay ku tukadaan meelaha banaanka ah sababtoo ah masjid la’aan ayaa jirta.

“halkan,waxaa kuwada nool Muslimiin iyo kiristaan, masiixiiyiintu mamnuuci karaan salaadda oo sanado badan aanu gudanaynay, balse qaar badan oo naga mid ah ayaa dariiqyada ku tukada,sidaas awgeed waxaanu u baahanay masjid” ayuu yidhi.

Magaaladan taariikhiga ah oo ka tirsanayd maamulka boqortooyadii Aksum ee uu ka talin jiray jiray boqorkii magan galiyay saxaabadii rasuulka “SCW” ee kasoo haajiray cadaadiskii Mekka, waxaa hadda ay fadhiisin u tahay meelaha ay booqdaan dadka aaminsan mad-habta ortodhogosku.
Muslimiinta ahaa dadkii u horeeyay ee halkaasi gaadhay halkaasi xilli aad u horaysay oo ku beegan 600AD, sida BBC u sheegeen kiristaanka iyo Muslimiinta ku nool magaaladaasi.

 

HORN CABLE TV

WAAXDA ONLNE-KA.