Sarkaalkii la Sheegay inuu Hogaaminayay Af-gambiga Bahirdar oo la dilay.

Wararka laga helayo dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Sarkaalkii lagu eedeeyay inuu Hogaaminayay Afgambigii Gobolka Amxaarada oo toogasho lagu  dilay.
Brig-Gen Asaminew Tsige, oo dhuumasho ku jiray 48-kii saacadood ee lasoo dhaafay ayaa ciidamada Ethiopia ay  toogasho ku  dileen duleedka Bahardar.

Xoghayaha saxaafadda ee xafiiska Ra’iisal wasaaraha Ethiopia
Negussu Tilahun, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dilka sarkaalkaasi baxsadka ku maqnaa
“Asaminew Tsige – oo dhuumasho ku jiray intii af-gambigu fashilmay kadib toogasho ayaa lagu dilay” ayuu yidhi talaahum, manuu bixin faah faahin intaasi ka baxsan.

Asaminew Tsige, Afgambiga ka hor wuxuu ahaa hogaankii nabadgalyada ee deegaanka Amxaarada.
Asaminew Tsige, ayaa ka mid ahaa saraakiil uu sanadkii hore xabsiga kasii daayay Ra’iisal wasaare abiy Ahmed.

 

HORN CABLE TV

WAAXDA ONLINE-KA