Hir-shabeelle: Yuusuf Daba-geed Oo Sheegay Inuu Isku-day Dil Ka Bedbaaday

Beledweyne (HCTV) – Guddoomiyaha diiddan inuu xilka ka dego ee Gobolka Hiiraan ee Maamul-gobolleedka Shir-shabeele ee Soomaaliya, Mr. Yuusuf Daba-geed ayaa sheegay inuu ka bedbaaday isku-day Dil.

Yuusuf Daba-geed oo Shir-jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare hoggaamiyo ee Hir-shabeele iyo Dad taageersani isku dayeen inay shirqoolaan isla-markaana ay dilaan, balse uu ka bedbaaday.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in Isku-dayga dil ee uu ka bedbaaday aanu ahayn markii koowaad, hase-ahaatee laba jeer oo hore la isku-dayey in la khaarajiyo, waxaanu yidhi isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Shirkan Jaraa’id waxaan u qabtay (Inaan sheego) inuu yimid isku day dil, kaasi oo aan markii koowaad ahayn, balse laba jeer oo hore fashilmay.”

Mr. Daba-geed wuxuu sheegay in Dadka reer Hiiraan diideen dulmi uu sheegay inuu ku hayo Maamulka Madaxweyne Waare “Dadkan reer Hiiraan way iska diideen dulmigii lagu samaynayey iyo Ayaan-darradii ay Maxamed Cabdi Waare iyo kooxdiisu ka soo maleegayeen Deegaanka Lama-galaay..”ayuu yidhi.

Magaalada Beledweyne ayaa shalay lagu arkayey gaadiidka Gaashaaman ee Ciidammada oo gaaf-wareegaya, xilli ay Shalay kulan yeesheen Madaxweynaha Hir-shabeelle iyo Saraakiisha Ciidammada AMISOM ee Hiiraan ka hawl-gala.

Yusuuf Daba-geed ayaa dhawaan xilka laga qaaday, laakiin diiday inuu ka dego.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka