Xisbiga UCID Oo Ku Baaqay In La Joojiyo Wada-hadallada Soomaaliya

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ku baaqay in Somaliland ay joojiso Wada-hadallada ay doonayso inay dib ula bilowdo Soomaaliya, maaddaama oo Dawladda Soomaaliya xidhiidhka u jartay Dalka Gini, markii uu booqday Madaxweynaha Somaliland.

Guddoomiyaha UCID oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Madaxweynuhu markuu soo noqdo waxaanu jecellahay in Qaraar la soo saaro odhanaya ‘Wax Wada hadal ah oo aanu Soomaaliya la yeelanaynaa ma jirto, maaddaama oo aanay jirin Dawlad nala siman oo Dadkeedu soo doorteen oo Dadkeeda matashaa, la fadhiisan mayno, markaa waxaanu leenahay Wada-hadallada hala joojiyo, xidhiidhkooda hala joojiyo.”

Guddoomiye Faysal wuxuu sheegay inay soo dhaweynaynaa Safarka Madaxweynuhu ku tagay Dalka Gini “Waxaan aad iyo u Hambalyeynayaa Waddanka Gini iyo Madaxdooda, sida Sharafta leh ee ay Weftigeennii Madaxweynuhu hoggaaminayey u soo dhaweeyeen, Tallaabadaa uu Madaxweynuhu u tagay Gini, tii aanu ku tagnay Kenya iyo kuwo kale oo socdaba waxaanu aragnaa inay noqdaan qaar horseeda sidaynu u heli lahayd Xuquuqdeenii.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu leenahay Madaxweynaha waanu soo dhaweynaynaa Annaga iyo WADDANI, aynu tusno in aynaan Qaranka Somaliland ka soo horjeedin haddaanu Mucaarad nahay ee aanu Maamul xumada ka soo horjeedno.”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka