Hargeysa(HCTV) – Wargeyska L’Indro oo ka soo baxa Dalka Talyaaniga, ayaa warbixin dheer ka qoray dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, qoraalkaas oo uu ciwaan uga dhigay “Somaliland iyo Somalia: Laba dal oo Mataanno ah oo muddo dheer iska soo horjeeday.”
Wargeyska L’Indro ayaa War-bixintiisa kaga warramay sidii ay 1960-kii u midoobeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, burburkii midowgaas iyo marxaladihii ay soo mareen labada dal, kuwaasi oo ay kala xukumi jireen Ingiriiska iyo Talyaanigu.
Waxa kale oo uu ka hadlay xukunkii Maxamed Siyaad Barre oo uu sheegay inuu waxyeeleeyey reer Somaliland isla-markaana dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba u go’doomiyey Somaliland.
Wargeysku wuxuu sheegay Somaliland ay tahay dal muhiimad weyn u leh dalalka Khaliijka, gaar ahaan Imaaraadka Carabta. Waxa kale oo uu intaas ku daray in dalal ay ka mid yihiin Maraykanka iyo Kenya ay cilaaqaad ganacsi la samaysanayaan Somaliland iyagoo aan haddana weli ictiraafin.
Warsidaha L’Indro wuxuu xusay in shacabka Somaliland ay ku nool yihiin nabadgelyo buuxda, kuna tallaabsadeen hour-socod dhaqaale oo aan ka jirin Soomaaliya oo dhibanne u noqotay dagaalo sokeeye.
Joornaalku wuxuu caddeeyey in Maraykanka, Qarammada Midoobay iyo midowga Afrika ay dedaal weyn geliyeen Soomaaliya hase yeeshee aanay wax nabad ahi ka dhalan Soomaaliya illaa hadda.
Wargeysku wuxuu ka hadlay sida ay u kala fogaadeen Somaliland iyo Soomaaliya iyo dagaallada siyaasadeed iyo dhaqaale ee u dhexeeya labada dhinac, waxaanu intaas raaciyey in cidda qudha ee wada-hadal midho-dhal ah u qaban karta Somaliland iyo Soomaaliya ay tahay Midowga Afrika oo kaashada Qarammada Midoobay iyo dalalka Midowga Yurub.
Ugu dambeyntii, Warsidaha L’Indro wuxuu War-bixintiisa ku sheegay in Somaliland ay kordhisay dalabkeeda aqoonsi raadinta, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA oo Warkan soo tebisay.
Horn Cable Tv
Waaxda ONLINE-ka