Jubbaland Oo Lagu Dooratay Guddoomiye Baarlamaan

Kismaayo, (HCTV) –  Maamul goboleedka Jubbaland ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay wajigii hore doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Maamul gobolleedka Jubbaland oo ay ku tartamayeen labo musharax.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland ayaa waxa ku tartamay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan iyo Xuseen Shiinow Cali waxaana ku guuleystay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan (Sheekh Cabdi )

Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa helay 55 Cod halka Xuseen Shiinow Cali  uu helay 18 Cod.

Giddoomiyaha cusub ee dib loo doortay ayaa horay u soo noqday guddoomiyihii Baarlamaankii Koowaad ee Jubbaland, waxaana dadka aqoonta u leh ay sheegayaan in uu saaxiib dhaw la yahay madaxweynaha Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Waxaa hadda soconeysa codeynta ku-xigeennada guddoonka Baarlamaanka, iyadoo maanta guud ahaan la soo dhameystirayo dhismaha Baarlamaanka labaad ee dowlad gobolleedka Jubbaland.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.