Nuxurka Qodobada Lagaga Hadlay Shirka G7 Ee Faransiiska Ka Furmay

Biarritz, (HCTV) – Hogaamiyeyaasha dalalka aduunka ayaa isugu yimid shirka dalalka G7 oo ka furay dalka Faransiiska, waxaana kulan ay yeesheen ka hadlay Madaxweynaha golaha Midawga Yurub President Donald Tusk kaas oo sheegay in ay shaqo adag tahay in laga shaqeeyo midnimada iyo danaha guud, maadaama oo lagu kala qaybsan yahay dhawr arimood oo ay ka mid yihiin ganacsiga iyo isbadalka Cimilada.

Shir sanadeedkan dalalka Wershadaha leh ee G7 ay ku yeesheen dalka Faransiiska ayaa maalintii shalay ka furmay magaalo xeebeeda dalka Faransiiska ku taala ee Biarritz.

Hase yeeshee kumanaan dibadbaxayaal ka soo horjeeda G7 ayaa dibadbaxyo ku dhigay magaalada Hendaye oo ay yimaadeen madaxda dalalka Britain, Canada, Germany, Italy, Japan iyo the United States oo shirka kaga qaybgalaya Biarritz.

Shirkan saddexda maalmood ah ayaa ku soo beegmaya xili ay cirka isku sii shareerayso dagaalka dhinaca ganacsiga ee u dhexeeya Maraykanka iyo Shiinaha, iyo ingiriiska oo ku hawlan kala gurashada Midawga Yurub.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.