Shirka Dib u Heshiisiinta Galmudug Oo Dib U Dhacay

Dhuusamareeb, (HCTV) –  Shirka dib-u- heshiisiinta Galmudug ayaa dib u dhacay ku yimid, waxaana lagu sababeeyey dib u dhacaasi arrimo la xidhiidha dhinaca farsamo.

Guddida shirka diyaarinaya ayaa sheegay qorshihii hore ee ahaa inuu maanta shirka furmo inuu dib ugu dhacay Khamiista berri ah, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa haatan ku sugan dhammaan Ergada ka qeyb-galeysa Shirka,iyada oo shalay ergadii ugu dambeysay oo ka timid deegaanka xeraale ay halkaasi gaareen,waxana jirtay in shirkaasi tira laba jeer ah uu dib u dhacay.

Shirkan oo dib u dhacay labo jeer oo xigta kaddib muranno siyaasadeed oo soo kala dhax-galay dowladda iyo madaxda Ahlu Sunna.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa horay u sheegay in shirkaasi looga hadli doono ,sidii loo dhisi lahaa Galmudug loo dhan yahay, doorka ay dowladda Federaalka ku yeelaneyso dhismahaas iyo qodobo kale.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.