Muqdisho, (HCTVL) – Dawladda Soomaaliya ayaa beenisay wararka sheegaya in Al-Shabaab ay joojiyeen dhismaah iyo Dayactirka garoonka Ciyaaraha Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho ee degmada Warta-Nabada Gobolkan Banaadir.
Garoonka Stadium Muqdisho waxa booqday Raysal Wasaare ku xigeenka Somalia Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ay wehlinayeen Wasiirka Dhalinyarada iyo cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye, wasiirka Warfaafinta Maareeye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish iyo ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maxamed Cabdullaahi Tuulax.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in howshii Dhismaha iyo Dayactirka ee stadium muqdisho ay si caadi ah u socdaan,isla markaana ay been abuur tahay in Al-shabaab joojiyaan,waxana uu sheegay inaysan jirin cid joojin karta.
Warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo dadka ayuu sheegay in ay uga digayaan baahinta wararka been abuurka ah,waxaana uu sheegay in sidoo kale ay baaritaano ku sameyn doonaan shirkadda heysata qandaraaska dhismaha, islamarkaana ay wax ka weeydiin doonaan arrimhaasi.
Mas’uuliyiintaan oo mid mid u kormeeray qeybaha kala duwan ee Garoonka ayaa waxaa ay dhamaantood beeniyay Wararka sheegaya in Shabaab joojiyeen Dhismaha Garoonka,iyaga oo sheegay in warkaasi aan waxba ka jirin.
HORN CABLE TV,
WAAXDA ONLINE-KA.