11 Askari Oo Lagu Dilay Weerar Jid-gooyo Ah

Nigeria (HCTV) – Ugu yaraan 11 Askari ayaa lagu dilay weerar Argagixiso oo ka dhacay Waqooyi-bari ee Gobolka Borno ee Dalka Nigeria.

Sidaana waxa Sabtidii Shalay xaqiijiyey ilo-wareedyo Millateriga Nigeria ah iyo Kooxda loo malaynayo inay weerarka geysatay.

Kooxo iska soo horjeeda, laakiin ka wada tirsan Kooxda Boko Haraam ayaa bilaabay weerarro ay la beegsanayaan Millateriga iyo Shacabka, Khamiistii illaa Sabtidii Shalay, sida ilo-wareedyadu sheegayaan

Khamiistii, Dagaalyahano gacan-saar la leh Daacish-ta Galbeedka Afrika ayaa Jid-gooyo u galay Kolonyo gaadiidka Millateriga ah oo marayey meel u dhowr tuulo lagu Magacaabo Mauro, taasi oo ka mid ah Degmada Benisheikh, sida Ilo-wareedyo Millateri ahi u sheegeen AFP

“Askartayada waxa qabsaday weerar Jid-gooyo ah, 11 Askari ayaa la dilay, 16 waalla dhaawacay, labana illaa hadda waalla la’yahay..” ayuu sheegay Sarkaal codsaday inaan Magaciisa la shaacin

Sarkaalka Magaciisa qariyey wuxuu sheegay in Ciidanka Jid-gooyada loo galay ay ku safrayeen Saddex Gaadhi, laakiin Dagaalyahannada Xag-jirka ah ee Weerarka ahaa ay dhinac walba kaga rideen Qoriga AK-47, gaadiidkana u adeegsadeen hubka lidka diyaaradaha oo ay ka soo ridayeen buuro ka durugsan jidka weerarku ka dhacay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka