Hargeysa (HCTV) – Dawladda Somaliland ayaa Magacowday Guddi ka kooban 19 Xubnood oo Dalka gudihiisa ka ururrinaya qaadhaan la doonayo in loogu gurmado Dadka reer Beledweyne ee Webiga Shabeelle ku fatahay isla-markaana Hantidoodii iyo Guryahoodii baa’biiyey.
Guddigan oo uu Magacaabay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland ayaa loo sameeyay inay Ciddii ka qayb-qaadanaysa Gurmadka loo fidinayo ka qabtaan waxay bixinayaan, noqdaan Guddiga guud ee ururinaysa qaadhaanka.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim oo ku dhawaaqaya Guddigaasi ayaa sheegay oo yidhi “Waxaan Magacaabay Guddi dhexe oo ururisa qaadhaanka loo gurayo Beledweyne, maaddaama oo Maalmihii aynu soo dhaafnay Somaliland laga abaabulayey Qaadhaan ururin, gaar ahaan Burco, Laascaanood, Boorama. Si aynu qaadhaankaa u midayno Guddi dhexe oo lagu soo ururiyo ayaanu Magacownay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa isaguna nagu booriyey inaanu hawshaa galno, isaguna diyaar buu u yahay markaanu soo gebogabayno in Xukuumaddu si weyn oo Miisaan leh uga qayb-qaadato, sidaas ayaanuna ku ballansanahay.
- Jamaal Caydiid Ibraahim oo ka socda Rugta Ganacsiga JSL
- Kayse Shukri jaamac (Daryeel)
- Maxamed Axmed faarax (Food)
- Sheekh Ciise Maxamuud Cabdillaahi
- Cabdiraxmaan Cali Cabdi oo ka socda Dahabshiil
- Sheekh Maxamed Cali Geeddi
- Sheekh Axmed Aadan Buuxsane
- Cabdiwahaab Maax Maxamuud oo Telesom Group ka socda
- Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali
- Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed
- Xasan Axmed Xuseen (Xasan Bulbul) oo ka socda Sompower
- Suldaan Axmed Xasan Jaamac
- Cali Ibraahim Ciise (Cali Waraabe) oo ah Guddoomiyaha Waraabe Group.
- Sheekh Maxamed Aadan Cadhoole
- Farxaan Liibaan Axmed oo ah Shirkadda Liibaan
- Sheekh Cabdiraxmaan Aw Axmed
- Abwaan Yuusuf Shaacir
- Xamse Cumar Ku-joog
- Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed oo Hass Petrolium ah..”
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in Webiga Shabeelle oo Beledweyne ka baro-kiciyey Dad gaadhaya illaa 300 kun oo Qof, xilligana ay jiraan Xanuuno badan oo ka dillaacay deegaanka Beledweyne, sidaasi darteed wuxuu Dadweynaha Somaliland ugu baaqay inay gurmadkaa ka qayb-qaataan.
Horn Cable Tv
Waaxda ONLINE-ka