Somali News

Waddani Oo Sheekh Saleebaan U Magacaabay Gudoomiyaha Xisbiga Ee G/Saaxil

By Ahmed Cige

November 14, 2019

Hargeysa, (HCTV) – Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa Sheekh Saleebaan Siciid Cali u magacaabay gudoomiyaha xisbiga Waddani ee gobolka Saaxil, sida lagu sheegay warqad qoraal ah oo ka soo baxday xisbiga Waddani oo uu ku saxeexan yahay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ah gudoomiyaha xisbigaasi.

Sheekh Saleebaan Siicid Cali ayaa hore u ahaa Agaasimihii Wasaarada Diinta iyo Awqaafta xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo.

Warqada Magacaabista Gudoomiyaha Gobolka Saaxil ee xisbiga Waddani ayaa u dhignayd sidan:-

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.