Guddoomiye Baashe Oo Sheegay Inaan Cidna Waxba Ka Beddelin Karin Qadiyadda Somaliland

HomeSomali News

Guddoomiye Baashe Oo Sheegay Inaan Cidna Waxba Ka Beddelin Karin Qadiyadda Somaliland

Togdheer: Carruur Ku Dhintay Barkad-biyood Ay Ku Dhaceen
Nairobi : Xildhibaan Yusuf Hassan Abdi Ayaa Ka Hadlay Amaro Ka Soo Baxay Xukuumada Dalka Kenya.
Britain Oo Guulo Ka Samaysay Tamarta Laga Dhaliyo Dabaysha Iyo Qoraxda
Golaha Deegaanka Bali gubadle Oo Yeeshay Kala Fadhigoodii 14aad.
Somaliland oo Masaafurinaysa Dhakhaatiir Tirobadan oo Ajaanib ah.

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in aanay qadiyadda Somaliland waxba ka beddelayn Dhallinyaro iyo siyaasiyiin u safra Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Mudane Baashe-cadde oo ka hadlayey Munaasibad lagu qabtay Magaalada Hargeysa ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya yidhi “Xisbiyada Qaranka waxaynu u samaysanay inaynu Qabiilka kaga tagno. Wixii dhexdeena ah waa loo dul-qaadanayaa, laakiin Qaranimada Somaliland, Madax ha ahaado ama Madax-dhaqameed ha noqdo ama Siyaasi ha noqdee qofka Qaranimada Somaliland ka soo horjeeda waxa la marinayaa Shuruucda Dalka u taalla, loona dul-qaadan maayo.”

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay “Qof dhalinyaro ah iyo Siyaasi Xamar tagaa wuxuu ka beddelayo Somaliland ma jirto, Qaddiyadda Somaliland-na waa lama taabtaan.” ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

 

COMMENTS