Somaliland: Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyey Xeerar Kala Duwan

Hargeysa (HCTV) – Kalfadhigii 45-aad ee golaha wasiirrada Somaliland ee Maanta oo uu gudoominayey madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta lagu  ansixiyey xeerar, iyada oo sidoo kale lagu meelmariyey wax-ka-beddel  lagu sameeyey qaar ka mid ah xeerarkii hore u jirey.

Dood dheer iyo falanqeyn kaddib, waxa ay golaha wasiirradu fadhigooda ku ansixiyeen:

  1. Qabyo-qoraalka ka hortagga xeerka la dagaallanka ganacsiga iyo tahriibinta dadka iyo
  2. Wax ka-beddelka iyo kaabista la dagaallanka xeerka mukhaadaraadka Xeer Lr. 21/2002 oo isagu hore u jirey, waxaanay xeerarkani u gudbi doonaan golaha wakiillada Somaliland, iyagoo wax weyn ka tari doona Mushkiladaha iyo dhibaatooyinka ka yimaadda Tahriibinta dadka iyo la dagaallanka Mukhaadaraadka dalka soo gala.

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed Madaxtooyada ka soo baxay markii uu dhamaaday Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland ee Maanta, kaasi oo nuqul ka mid ah soo Gaadhay Telefiishanka HCTV.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka