Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida Oo Ku Biiray Xisbiga Cusub EPP

Jigjiga, (HCTV) – Shirwaynihii Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida Itoobiya (XDS) uga socday magaalada Jigjiga ee caasimada dawadd Deegaanka ayaa lasoo gabagabeeyay, waxaana xubnihii xisbiga ee shirka kasoo qayb galay ay cod buuxa ku ansixiyeen kamid noqoshada xisbiga EPP ee dalka Itoobiya.

Shirka ay maanta yeesheen xubnaha Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida Itoobiya ayaa ahaa mid xilligiisii laga soo hormariyay, iyadoo aan la shaacin sababta, balse ay balantu ahayd maalinta Axadda ee barito ayaa hadana laga dhigay Sabtidii maanta in shirkaasi dhaco.

“Waxa noo qabsoomay shirweynaha degdega ah ee Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida, kaas oo uu ku falanqeeyey midawga xisbiga cusub ee sida wadajirka ah ay u dhisanayaan asxaabta loo yaqaano EPRDF iyo bahwadaagta deegaanada kala duwan. Arintana arin soo taagnayd in badan ayay ahayd in su’aalo badan deegaanku ka keeno ka mid noqoshada talada xisbiga haya oo aynaan hore uga mid ahayn, daraasado badana laga sameeyey sidii looga mid noqon lahaa,” ayuu yidhi Axmed Shide oo ah Guddoomiyaha xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida, ahna Wasiirka Maaliyada Itoobiya .

Xisbiga EPP ee dalka Itoobiya ayaa waxa ilaa iyo hadda ku biirtay xisbiga todoba  xisbi, waxaana xisbiga Dimuqraadiga Soomaalidu uu noqonayaa xisbigii 8aad ee si buuxda ugu biira xisbiga lawada leeyahay ee EPP ee dalka Itoobiya.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.