Ciraaq: Baarlamaanka Oo Aqbalay Iscasilaadda Raysal-Wasaaraha, Ka Dib Dibed-Baxyo 2 Bilood Socda

Ciraaq (HCTV) – Baarlamaanka Dalka Ciraaq ayaa aqbalay Is-casilaad uu Toddobaadkan u gudbiyey Raysal-wasaaraha Dalkaasi Adel Abdul Mahdi, ka dib laba Bilood oo Dibed-baxyo isa soo tarayaa ka socdaan Caasimadda Baqdaad iyo Magaalooyinka Koonfurta Ciraaq.

Warqadda Iscasilaadda ee uu Baarlamaanka u gudbiyey Raysal-wasaare Adel Abdul Mahdi ayaa ka dambaysay Mudaharaaddo Dalkaasi ka bilaabmay 1-dii bishii October, 2019, kuwaasi oo lagu dalbanayo inay iscasisho Xukuumadda hadda ka talisa Ciraaq.

Dibed-baxayaasha ayaa Xukuumadda Raysal-wasaare Adel Abdul Mahdi ku eedeeyay Musuqmaasuq, Adeeg xumo ka jirta Laamaha Dawladda iyo Shaqo la’aan baahsan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Ciraaq, Mohamed Al Halbousi oo Maanta hadlay ayaa sheegay in iyadoo la raacayo Qaanuunka uu Baarlamaanku sameeyay Mooshin lagu dooranayo Raysal-wasaare cusub oo beddelaya Raysal-wasaaraha Ciraaq ee Iscasilaadda soo gudbiyey.

Guddoomiyaha Baarlamaanku wuxuu Xildhibaannada ka codsaday inay fuliyaan Hab-raaca Magacaabista Raysal-wasaaraha cusub, waxaanu rejo ka muujiyey in isbeddelkaasi uu Ciraaq u horseedo Barwaaqo.

Aqbalaadda Baarlamaanka ee Istiqaaladda Raysal-wasaare, Adel Abdul Mahdi iyo ballan-qaadka Baarlamaanka ee soo Magacaabista Raysal-wasaare cusub ayaa waxa soo dhaweeyay dibed-baxayaasha reer Ciraaq.

Dibed-baxyada Ciraaq ayaa waxa ku dhintay boqollaal Qof oo Ciidammada amnigu toogteen, waxaana ku dhaawacmay Dad ka badan 15000 Qof, sida uu sheegay Wargeyska The National.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka