Ujeedada Dibadbax Maanta Ka Dhacay Boorama

Boorama, (HCTV) – Wararka ka imanaya magaaada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal ayaa sheegaya in maanta uu ka dhacay banaanbax lagaga soo horjeedo xadhiga Suldaan Abshir Maxamed Ducaale oo ay ciidamada Boolisku xabsiga dhigeen shalay.

Dibadbaxan ayaa ka dhacay saaka xaafada Sisibta ee magaalaa Boorama, waxaanay dadkaasi shacabka ahi ay dalbadanyaan in xuriyadiisa dib loogu soo celiyo Suldaanka la xidhay.

Dhinaca kale ciidamada booliska gobolka Awdal Ayaa Waxay kala dareeriyeen shacabkii mudaharaadayay dhigayey waxaana halkaasi uu dhaawac ka soo gaadhay wiil dhalinyaro ah oo ay rasaasi lugta kaga dhacday sida ay sheegayaan Wararka uu magaalada Boorama ka helayo Telefishanka HCTV.

Sidoo waxa jira warar la isla dhexmarayo magaalada Boorama gudaheeda oo sheegaya in Suldaan Abshir loo qaaday dhinga xabsiga Mandheera, inkastoo qaar ka mid ah Waraabinta ku sugan Boorama oo la hadashay Taliska Bileyska qaybta gobolka Awdal ay beeniyeen arintaasi.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.