Muqdisho (HCTV) – Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee magaceeda loo soo gaabiyo NISA ayaa War ay soo saartay ku sheegtay in Qaraxii doraad ka dhacay Magaalada Muqdisho ay ka dambaysay Dawlad shisheeye.
Qaraxa oo ka dhacay Kantaroolkii Ex-Afgooye ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ku dhintay Dad gaadhaya 100 Qof, waxaana ku dhaawacmay Dad gaadhaya 80 Qof.
Hay’adda NISA oo sheegtay inay waddo baadhis arrintaas la xidhiidha ayaa War kooban oo ay ku baahisay Twitter-ka waxay ku sheegtay in weerarkan ay ka dambaysay Dawlad shisheeye oo aanay Magaceeda sheegin.
Qoraalka NISA ayaa u dhignaa sidan “Waxaan madaxda Qaranka u gudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa Dal shisheeye. Baadhitaanka socda si loo dhamaystiro, waxaan la kaashan doonnaa Hay’adaha sirdoonka Caalamka qaarkiis..”
Horn Cable Tv
Waaxda ONLINE-ka