Somali News

Somaliland: Tirada Dad Carruur u Badan Oo Xanuun Ugu Geeriyooday Widh-Widh

By Ahmed Cige

January 07, 2020

Hargeysa (HCTV) – Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay in 10 qof maalmihii la soo dhaafay ay Shuban Biyood iyo Oof-wareen ugu geeriyoodeen deegaamo ka tirsan gobolka Buuhoodle.

Dadka ayaa kala ah 8 Carruur ah iyo laba qof oo waa weyn.

Dadka intooda badan waxa ay ku dhinteen degmada Widhwidh oo ka tirsan Gobolka Buuhoodle.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Maxamed Cabdi Xirgeeye, ayaa maanta Warbaahinta sidaasi u sheegay.

 La Soco Warkan oo dhamaystiran

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka