Somaliland Oo La Filayo In Imaaraadka Carabta U Dhoofiso 5,000 Neef Oo Adhi Ah

Hargeysa, (HCTV) – Somaliland ayaa lagu wadaa inay dib u bilowdo dhoofinta xoolaha ee Imaaraatka Carabta toddobaadkan, sida lagu daabacay waregyska busiweek ee kasoo baxa Uganda.

Shixnad u socota ka bariga dhexe ayaa lagu wadaa inay ka dhoofto  dekada Somaliland ee Berbera iyada oo ay saaranyihiin tiro ka badan 5,000 oo Adhi ah.

Tani waxay timid bilo kadib markii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu wadahadal la yeeshay hoggaanka Imaaraadka Carabta intii lagu guda jiray booqashadii bishii April ee la soo dhaafay.

Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo qaabilsan dhoofinta xoolaha.

“Waxaanu heshiis la gaadhnay dalka Isutaga Imaaraatka carabta in la dhiso guddi dhoofinta xoolaha nool oo ay wada dhistaan labada dal,” ayuu yidhi Professor Yaasiin Maxamuud Xiir ‘Faratoon’, Wasiirka Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland.

Guddigaan wuxuu ka qeyb qaadan doonaaa dhammaan arrimaha la xidhiidha caafimaadka, dhoofinta, iyo sharciyeynta dhoofinta xoolaha Somaliland.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.