Togdheer: Carruur Ku Dhintay Barkad-biyood Ay Ku Dhaceen

Balli-calanle (HCTV) – Sida la xaqiijiyey Saddex Carruur ah ayaa ku Geeriyooday deegaanka Balli-calanle oo ka mid ah Gobolka Togdheer ee Somaliland.

Saddexda Carruurta ah oo laba ka mid ahi hablo yihiin ayaa Geeriyooday, ka dib markii ay ku dhaceen isla-markaana ay liqday Barkad-biyood ku taallay deegaanka Balli-calanle.

Sidaana waxa xaqiijiyey Weriyeyaal ku sugan Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.

Illaa hadda ma cadda in Carruurtu Walaalo ahaayeen iyo in kale.

La Soco Warkan wixii ka soo kordha

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka