Somali News

Maxaa Ku Cusbaa Khudbad-sanadeedka Madaxweynaha Somaliland Ee 2020-ka ?

By Ahmed Cige

February 18, 2020

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Labada Gole ee Baarlamaanka u jeediyey Khudbad-sanadeedka Dastuuriga ah ee 2020-ka.

Halkan Hoose ka Akhri Khudbad-sanadeedka Madaxweynaha Somaliland oo dhamaystiran:-

Khudbad Sannadeedka Dastuuriga ah

Ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Mudane, Muuse Biix Cabdi

18 February 2020

Dhammaantiin, Asalaamku Calaykum Warax-matulaahi, Wabarakaatuh.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxa sharaf iyo xurmo ii ah inaan maanta hor imaado Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland, oo aan ka jeediyo Khudbad Sannadeedka Dastuuriga ah ee sannadka 2020.

Sannad waliba waayo leh, Sannadkii 2019-ku waxa uu ugu suntan yahay Jamhuuriyadda Somaliland, sannad nabadeed, midnimo iyo sannad la gaadhay guulo diblomaasiyadeed oo Qaran. 

Mandaqadda aynu ku nool nahay iyo guud ahaan adduunkaba, waxa ka socda isbedel dhaqan-dhaqaale iyo is-xulafaysi siyaasadeed, oo dhalan-rogi kara wajiga maanta adduunku u yaallo. Somaliland, kama gaabin in ay noqoto foolaadka isbedelka ka dhacaya adduunka iyo in ay yeelato saaxiibo siyaasadeed oo cusub.

Khudbadda Dastuuriga ah ee sannadkan waxa ay ka kooban tahay:

  1. Dhaqaalaha
  2. Adeegyada Bulshada
  3. Nabad-gelyada
  4. iyo Arrimaha Dibedda
  5. Dhaqaalaha

Dhaqaaluhu waa saldhiga horumarka iyo isbedelka nololeed iyo bulsho ee dal kasta. Sidaa darteed, Xukuumadda JSL waxa ay xooga saartay kobcinta iyo kor u qaadista dhaqaalaha dalka:

 

 

 

 

 

 

Dadaal kasta oo la sameeyey, haddana waxa jira caqabado dhaqaale oo waaweyn oo u baahan in si Qaran looga wada tashado. Waxaynu nahay dal aanu isku dheeli-tirnayn dhoofintiisa iyo soo-dejintiisu.

Tusaale ahaan, sannadkii 2019-ka waxa dibedda innooga timi badeecad qiimaheedu dhan yahay $572,713,970 oo ku qiimaysan (Customs Import – Export Value), waxaynu dhoofinay badeecad qiimaheedu dhan yahay $211,732,852, faraqooduna waa ($360,981,118), taas oo innagu ah dhiig-bax dhaqaale.

Haddaba, si aan uga baxno dheeligaa ganacsi (Trade Imbalance) waxa aannu dheerigalinaynaa wax-soo-saarka iyo warshadaynta dalka. Waxaana loo sameeyey cashuur dhaaf gaadhaya qiime ahaan 15 Million oo dollar warshadaha yar-yar ee Dalka laga yagleelayo iyo alaabooyinka qaydhin ee ay isticmaalaan warshaduhu.

  1. Wax-soo-saarka Beeraha, Xoolaha iyo Kalluumaysiga

Xukuumaddu waxa ay xoogga saartay dhiiri-gelinta kobaca wax-soo-saarka beeraha, daryeelka Xoolaha iyo Kalluumaysiga. Sidaa darteed:

 

 

 

 

 

 

 

  1. Kaabayaasha Dhaqaalaha

Kaabayaasha dhaqaaluhu; sida waddooyinka, dekadaha iyo garoomada diyaaraduhu waxay qayb weyn ka qaataan horumarka Dalka. Sidaa darteed:

 

 

 

 

 

 

 

 

 

  1. Adeega Bulshada
  2. Horumarinta Caafimaadka

Iyada oo laga duulayo muhiimadda uu daryeelka iyo kor u qaadidda adeegyada Caafimaadku u leeyihiin bulshada, Xukuumaddu waxa ay xooga saartay sidii ay dadweynuhu u heli lahaayeen adeegyo Caafimaad oo tayo leh, dhaqaale ahaana la awoodi karo. Sidaa darteed:

 

 

 

 

 

 

 

  1. Waxbarashada

 

Mudanayaal iyo Marwooyin;

 

Waxbarashadu waa furaha horumarka waara iyo iftiinka nolosha badhaadaha leh. Horumarka uu aadamuhu gaadho waxa inta badan suurto-geliyey tayada waxbarashada ee Dal kastaa leeyahay.

 

Xukuumaddu iyada oo maanka ku haysa ahmiyadda ay waxbarashadu u leedahay horumarka Qaranka iyo nolosha jiilka da’da yar ee dalkan:

 

 

 

 

 

 

  1. Horumarinta Biyaha

Mudanayaal iyo Marwooyin;

Waxa aynu dhammaanteen ku qanac-sanahay in biyuhu yihiin nolosha koowaad ee Aadamaha. Sidaa darteed, Xukuumaddu waxa ay dadaal dheeri ah galisay biyo soo-saarka iyo biyo ballaadhinta magaalooyinka iyo miyiga Dalka.

 

 

 

 

 

 

 

  1. Shaqo Abuurka Dhallinyarada

Xukuumadda JSL iyada oo ogsoon muhiimadda dhalliyarada iyo ka faa’iidaysiga xoogga dihin ee dhallinyaradu u leeyahay horumarka iyo nabadgelyada Qaranka iyo guud ahaan Gobolka Geeska Afrika:

 

 

 

Dadaal kasta oo la sameeyey, haddana waxa muuqata in shaqo la’aanta dhallinyaradu ay aad u sarayso, taas oo khatar wayn ku ah amniga Dalka. Daraasad Xukuumaddu samaysay waxa ay muujinaysaa in xirfadaha suuqa shaqada dalku u baahan yahay iyo xirfadaha waxbarasho ee ay bixiyaan Jaamacadaha dalku aanay isku dheeli-tirnayn, baahi weyna loo qabo Farsamada Gacanta. Sidaa darteed, Xukuumaddu waxa ay xoog hayso waxa ay iskugu gayn doontaa sidii dalka looga hirgalin lahaa dugsiyada farsamada gacanta oo leh tayo aad u saraysa oo waafaqsan halbeegga Caalamiga ah. Waxaana la odorosayaa in 20% shaqo la’aanta dhallinyarada ay hoos u dhigi doonto daah-furkaa cusub.

 

  1. Amniga iyo Difaaca Qaranka

 

Mudanayaal iyo Marwooyin;

Xukuumaddu waxa ay ahmiyad weyn siisay adkaynta amniga iyo difaaca xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

 

 

 

 

 

Guulahaa laga gaadhay sugidda amniga Qaranka, waxa suurtagaliyey Ciidammada Qalabka-sida ee mar walba heeganka u ah hirgalinta iyo ilaalinta Qaranimada JSL. Waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa dhammaan Ciidamada Qaranka JSL iyo qoysaskooda iyo caruurtooda, waxaanan leeyahay, waxaad tihiin Halyeeyo Qaranka u suntan. 

  1. Abaaraha iyo Isbeddelka Cimillada

Isbeddelka Cimilladu waa xaqiiqo raad muuqda ku leh adduunka iyo gaar ahaan dalkeena Somaliland. Waxaynu aragnay abaaro soo noq-noqday iyo roobab xilligoodii Eebbe looga bartay ka soo hor-maray. Arrintaasi waxay saameyn ku yeelatay hab nololeedkii dadka, duunyada iyo deegaanka. Haddaba Xukuumaddu:

  1. Dooarshooyinka

  Mudanayaal iyo Marwooyin,

Sida uu dhigayo Dastuurka JSL, shantii sanno ee kasta waa in Shacabka JSL u dareero doorasho uu ku soo doorto Golayaasha iyo Hoggaanka Dalka. Muddadii labada sanno ahayd ee Xukuumaddu xilka haysay, waxa ay dadaal ugu jirtay sidii doorashooyinkii Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanku u qabsoomi lahaayeen. Waxaanu diyaarinay kharashkii lagu gali lahaa doorashooyinka isku-sidkan, wixii kaga aadanaa Xukuumadda.

Xisbiyada Mucaaradka ah laba sanno waxa ay diidanaayeen in uu doorasho qabto Komishankii jiray. Markii wakhtigiisii dhammaaday, waxa la soo magacaabay Komishan cusub oo soo maray jaran-jarooyinkii sharci ee loo baahnaa. Hase yeeshee, labada Xisbi Mucaarid ayaa haddana diiday in ay doorasho qabtaan Xubnihii Komishanka doorashooyinka Qaranka ee ay ansixiyeen Golaha Fulinta iyo Golaha Wakiillada, Maxkammadda Sarena dhaarisay.

Mar haddii laba sanno oo hore ay inagaga lumeen muranka Xisbiyada Mucaaradka ah ee aan sharciga ku fadhiyin, jidka kaliya ee innoo furan maanta, waa in aan soo hor-marino furitaanka Ururada Siyaasadda iyo Axsaabta Qaranka.

Waxa aan idiin soo gudbin doonaa dhawaan Kaabista iyo Wax-ka-bedelka Xeerarka arrintaasi khuseeya, waxaanan rajaynayaa in aad waajibaadkiina dastuuriga ah ka gudan doontaaan. 

  1. Siyaasadda Arrimaha Dibedda

Mudanayaal iyo Marwooyin;

Siyaasadda Arrimaha Dibedda Jamhuuridda Somaliland waxa sal-dhig iyo gun u ah nabadgelyo, daris-wanaag, is-xaq-dhawr laba dhinac ah iyo iskaashi dhaqan-dhaqaale oo dhex-mara dalalka Gobolka Geeska Afrika iyo Caalamkaba.

  1. Ictiraaf-raadinta Jamhuuriyadda Somaliland

Siyaadda Arrimaha Dibedda Somaliland ee ku waajahan ictiraaf raadintu waxa ay u qaybsantaa laba waaxood oo waaweyn oo kala ah: In Qaddiyada Somaliland garowshiiyo ka hesho Adduunka, iyada oo mudnaanta la siinayo Qaaradda Afrika iyo In Wada-hadal ku dhisan garnaqsi iyo kala-gurasho lala galo Soomaaliya oo ah dalkii labaad ee Jamhuuriyaddii Somaliland la midowday 1960-kii.

Sidaa darteed, Xukuumadda oo garowsan in qadiyada Somaliland ay tahay arrin go’aankiisu u yaallo Qaaradda Afrika, waxa ay dadaalo xoog badan galisay in Somaliland ku yeelato saaxiibo cusub Qaaradda Afrika iyo in socdaalo diblomaasiyadeed lagu gaalaa bixiyo dalalka Qaaradda Afrika. Sidoo kale, Qadiyadda Somaliland waxa ay noqotay Qodob ka mid ah qodobbada Midowga Afrika uu mudnaanta koowaad siinayo, kadib dadaaladii Xukuumaddu ka samaysay shirkii Midowga Afrika ee ugu dambeeyey. 

Somaliland iyo Soomaaliya 

Walaalayaal,

Waxaynu wada ogayn in wada-hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya muddo hakad ku jireen. Hase yeeshee, 11-kii Bisha February 2020, ayaa aniga iyo Madaxweynaha Soomaaliya, si kedis ah ugu kulannay magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.

09-kii February 2020, waxaan safar shaqo ugu baxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, si aan u xoojiyo wefti uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibedda, oo ka ololaynayey wufuudii Shirka 33-aad ee Midowga Afrika iskugu timi. 11-kii Bisha February 2020, waxa igu marti-qaaday Xafiiskiisa Ra’iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya, Dr. Abiye Ahmed. Salaan, soo dhawayn iyo kulan kooban kadib, waxa uu ii sheegay in Madaxweynihii Soomaaliya uu isna soo galayo Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha in yar kadib. Halkaa ayuu ka bilaabmay kulan kedis ah, oo saddex geesood ah, oo aan hore loo sii qorshayn, oo dhexmaray saddexdayada.  

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya waxa uu soo jeediyey in uu dhex-galo dhibaatada dhex-taala labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, maadaama ay tahay qadiyad ka aloosan Gobolka Geeska Afrika, oo uu Ra’iisal Wasaaruhuna u ololeeyo nabadda, horumarka iyo Iskaashiga Gobolka Geeska Afrika. Dabcan, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo ah shakhsi ku guulaystay Abaal-marinta Nabadda Adduunka ee (Noble Peace Price), isla markaana hoggaamiya dalka labaad ee ugu dadka badan Qaaradda Afrika; Somaliland ahaan waanu aqbalnay soo jeedinta Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya. Kulanku intaas ayuu ku ekaa. Waxa loo ballamay in faah-faahinta iyo ajendaha la galo wixii intaa ka dambeeya. Waxa jira Dawlado kale oo iyaguna hore ugu hawlanaa wada-hadalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, hase yeeshee, kulanka Ra’iisal Wasaaraha lagagama wada-hadal wax tafaasiil ah oo ku saabsan cidda ka qayb noqon doonta wada-hadalka, waxaanu ku koobnaa kulankaasi soo-jeedin iyo aqbalaad.  

13-kii February 2020-ka, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Raali-gelin ka bixiyey xasuuqii ay Dawladdii Somali Democratic Republic u gaysatay Shacabka Somaliland. Marka laga reebo weedha ah, ‘Kuwii Qoryaha Qaatay, iyagana cudurdaar ayaa laga rabaa’, taas oo ah in dambiga loo qaybiyo Dawladdii dhagarta gaysatay iyo shacabkii ka dhiidhiyey Xasuuqa ay Dawladdu waday, waan soo dhawaynayaa raali-galinta, waana tallaabo fiican oo loo qaaday dhinaca nabadda.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ahayd 73 sanno Maxmiyaddii Boqortooyada Ingiriiska (British Somaliland Protectorate). Waxa ay xorriyadeedii heshay 26 June 1960-kii. Waxa ay noqotay Dawladdii 15-aad ee xorriyadeeda hesha Qaaradda Afrika, waxaana aqoonsaday 35 dawladood, oo ay ku jiraan kuwa ugu waaweyn adduunka.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay kula midowday Soomaaliya hal shardi oo kaliya. Kaas oo ah in la helo shantii Soomaaliyeed oo midowda. Taasna 31 sanno oo la raadinayey, waa la waayey.

Madaxweynihii Somali Democratic Republic ee wakhtigaasi waxa uu si rasmi ah uga noqday raadintii midnimada Soomaali weyn daba-yaaqadii Qarnigii tagay, waxaanay ku cad yihiin shirarkii uu ku galay magaalooyinka Jabuuti iyo Addis Ababa.

Walaalayaal, waxa xusid mudan in Midowgii labada Dal ee 1960-kii aannu marna noqon mid dhammaystiran dhinaca sharciga Caalamiga ah.

20-kii June 1961-kii, markii dastuurkii midnimada loo qaadayey aftida, 68% shacabka Jamhuuriyadda Somaliland waa uu diiday Dastuurkaa. Taasina waxay caddaynaysaa in aanu jirin sharciyad midnimadu ku fadhido, sida uu ka marag-furay Aqoonyahan Mr. Paolo Contini.

Inqilaabkii fashilmay 10-kii December 1961-kii ee Saraakiisha Reer Somaliliand ku kaceen, markii la xidhay, Maxkamaddii uu guddoominayey Mr. Hazel Wood, wax dambi ah wey ku weyday, waayo waxa la waayey sharci ay ka hor yimaadeen, maadaama Xeerkii Midnimadu aanu dhammaystirnayn, waxaana la sii daayey May 1963-kii.

Dawladdii ugu horaysay ee la dhisay 1960-kii, Golaha Wasiiraddu waxa ay ahaayeen 14 Wasiir, waxaana Somaliland laga siiyey 3 Wasiir. Golihii Baarlamaanka ee lagu midoobay, 26.8% kaliya ayaa Somaliland laga siiyey.

Mashaariicdii horumarineed iyo Deeqihii Bulshada Caalamku siisay Somali Democratic Republic, Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ka heshay 7%.

Lixdii Degmo (Hargeysa, Boorama, Burco, Berbera, Laascaanood iyo Ceerigaabo) ee Jamhuuriyaddii Somaliland ka koobnayd 26 June 1960-kii, waxa laga dhigay Laba Gobol oo kaliya. Lixdii Degmo ee Koonfurta (Majeerteeniya, Mudug, Hiiraan, Banaadir, Jubada Hoose iyo Jubada Sare), waxa laga dhigay Lix Gobol.

Dagaalkii 1977-kii, ee dhexmaray Itoobiya iyo Soomaaliya, oo culayskiisu ku dhacay Somaliland, 11 Xero oo ay ku jiraan 400,000 Qaxoonti ah, ayaa laga dhisay Gobollada Somaliland. Taas oo culayskeeda lahayd dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo deegaan ahaanba.

6 April 1981-kii, waxa lagu dhawaaqay Ururkii SNM, si loo raadiyo Qarannimadii Jamhuuriyadda Somaliland ee luntay 1960-kii.

1988-kii, duulaankii Dawladdii Soomaaliyeed ku qaaday Shacabka Somaliland waxa uu ahaa mid loo adeegsaday dayuurado, madaafiic, taangiyo iyo gaasas ciidanka lugta ah.

Waxa la dumiyey oo si cadawtinnimo ah dhulka loola simay magaalooyinkii waaweynaa ee Somaliland. Waxa lagu xasuuqay in ka badan 50,000 oo qof maalmo gudahood. Waxa ilaa hadda la xaqiijiyey 43 Xabaalo-wadareedyo ku kala yaalla Gobollada Somaliland. Boqolaal sanno dadku hantidii ay tabcadeen ayaa maalmo gudahood lagu baabiiyey.

Waxa u qaxay dalalka jaarka in ka badan 600,000 oo qof, oo intooda badan xeryo looga ooday Bariga Itoobiya. In ka badan 400,000 oo qof ayaa u kala firxaday daafaha Adduunka.

2001-dii Hay’adda Dhawrista Xuquuqul Iinsaanka u qaabilsan Qaramada Midoobay (United Nations High Commissioner for Human Rights) oo kaashanaysa Kooxdii Xidhiidhka iyo Isku-dubaridka Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya (UNCU) baadhitaan ay ku sameeyeen wixii ka dhacay Somaliland 1988-kii ilaa 1991-kii, waxay xaqiijiyeen in uu ka dhacay Xasuuq Bini-aadam oo dawladdu u gaysatay shacabkeedii.

Khilaafkii ka dhashay qaloocintii Xeerka Midawga labada Dal iyo nidaamkii awood qaybsiga labada Dal iyo Tacadiyadii loo gaystay Shacabku, waxa ay keentay in ay dunto 1991-kii Jamhuuriyaddii Somali Democratic Republic ee ka unkantay midawgii labada Dal 1960-kii.

18-kii May 1991-kii, ayey Jamhuuriyadda Somaliland ka baxday, iyada oo isku-duuban, midnimaddii Soomaaliya ee lagu hungoobay, ee aan sharciyaddeedu dhammaystirnayn.

Soddonkaa sannadood Jamhuuriyadda Somaliland waxay ahayd Qaran iskii u madax-banaan, balse nasiib darro, intaaba Soomaaliya waxay ka dagaalamaysay in Qarannimada Somaliland hirgasho.

Intii ay jirtay Dawladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo waxay qaaday tallaabooyin cadawtinnimo oo kala ah:

  1. Hor-joogsiga mashaariicdii horumarinta; oo ay ugu weynayd dagaalkii ay ka gashay dhismaha Dekedda Berbera.  
  1. Hor-joogsigii Sanduuqii mashaariicda horumarinta ee u gaarka ahaa Somaliland (Somaliland Special Arrangement).  
  1. In keligeed Dawladda Soomaaliya qaadatay Deeqaha Waxbarasho, Dhaqaale iyo Ciidan ee caalamku ku bixiyeen magacii Dawladdii Soomaaliyeed ee burburtay.  
  1. Fulin la’aanta Heshiiskii Habka Maamulka Hawada Sare ee ay saxeexeen Madaxweyne Silanyo iyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

 

  1. Isku daygii hor-joogsiga adhigii Xajka ee ka dhoofayey Dekedda Berbera.  
  1. La-dagaalanka dawlad kasta oo milgo iyo maamuus u muujisa Jamhuuriyadda Somaliland, sida tii ka dhacday Gini Konnaakari.

Intaas oo qodob iyo qaar ka sii daran iyaga oo ay jiraan, haddana waxaanu aaminsanahay in dhibaatada dhex-taala labada Dal lagu dhammeeyo wada-hadal iyo nabad.

Waxa muuqata in la gaadhay wakhtigii ay Soomaaliya garwaacsan lahayd xalka kaliya ee lagu heli karo nabadgelyo iyo iskaashi laba Dal oo walaalo ah. Xalkaasi waa laba Qodob:

  1. In Soomaaliya xurmayso xaqa ay Jamhuuriyadda Somaliland u leedahay go’aankii 18 May 1991-kii ay kaga noqotay Midowgii aan sharciga ku dhisnay.  
  1. In Soomaaliya si buuxda u garwaaqsato in aqoonsiga Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland yahay xalka qudha ee lagu heli karo wanaag iyo wax-wada-qabsi dhexmara labada dal.

Hadal haynta imaatinka Madaxweynaha Soomaaliya ee Hargeysa, suurtagal maaha, mana ogolin. Sababtoo ah, sharciga Caalamiga ah, curfiga Dawladnimo iyo caqliga saliimka ahiba, waxay isku raacsan yihiin in aanu Madaxweyne Dalkiisu gaystay dambiyada iyo xasuuqa intaa leeg, in aanay suurtagal ahayn in uu booqasho ugu tago dadkii iyo dalkii dambiyada loo gaystay. Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu iman karaa kaliya Jamhuuriyadda Somaliland marka uu ictiraafo Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland. Hadal haynta imaatinka Madaxweynaha Soomaaliya iyada oo ay duruufahaasi jiraan, waxay jawaabteedu noqonaysaa, gabaygii Faarax Nuur ee ahaa:

     ‘Qosol Been Ah, Fool Wada Qayaxan, Qiil aan Garanaayo,

Booraan Afkii laga Qafilay, Qabarna Hoos Yaalo,

    Doqon baa Halkii Lagu Qatali, Qoorta Soo Dhigane,

                       Ma Anigaa Middiyo La ii Qarshaa, La igu Qali Doono,

Qoontiiba Lama Baananine, Qire Yaraa Nabaddu,

Waar yaadha Kala Quusanaye Qoomamo la’aada’.

 

JAMHUURIYADDA SOMALILAND, HA NOOLAATO.

JAMHUURIYADDA SOMALILAND, HA WAARTO.