Degdeg: Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Sool Oo Ku Geeriyooday Qarax Ka Dhacay Laascaanood

Laascaanood, (HCTV) – Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Sool ee Somaliland Xasan Sheekh ayaa ku geeriyooday qarax loogu xidhay gaadhigiisa, sida uu noo xaqiijiyey Cabdiraxmaan Olol oo HCTV uga soo warama Laascaanood.

Ilaa iyo hadda ma jiro warar dheeraad ah oo ku saabsan Qaraxan gaadhiga loogu xidhay Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Sool ee Somaliland, balse warka oo intaa ka faahfaahsan kala soco HCTV.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.