Somali News

Guddida Qabanqaabada Shirweynaha Kulmiye Oo La Magacaabay

By Ahmed Cige

March 10, 2020

Hargeysa, (HCTV) – Guddida fulinta Xisbiga talada haya ee Kulmiye, ayaa ansixiyey wakhtiga la qabanayo shirweynaha 4aad ee xisbigaas iyo guddida qabanqaabada, sida uu sheegay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbigaas Axmed Cabdi Dheere oo shir-jaraa’id ku qabtay xafiiska guud ee xisbiga.

Shirweynaha Xisbiga oo u muddaysnaa bisha April ee sanadkan, ayaa waxa loo muddeeyey bisha June, waxaana la magacaabay 14 xubnood oo loo xilsaaray qabanqaabada Shirweynaha.