Somali News

Talooyinka Bad-qab ee CPJ: Tebinta wararka fayraska Corona

By Ahmed Cige

March 26, 2020

Cudurka COVID-19 (sidoo kalena loo yaqaan fayraska Corona) ayaa hadda gaadhay dhammaan qaaradaha Adduunka, marka laga reebo tan Antarctica, sida lagu sheegay xog laga helay Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO).

Dalal badan oo caalamka ah ayaa soo rogay xayiraad dhanka socdaalka ah, halka qaarna ay bandow geliyeen dalalkooda sida lagu sheegtay bartaTrip.com. Khariirad si joogta ah loo cusbooneysiiyo oo ay WHO ku muujinayso sida uu cudurka ugu faafay caalamka ayaa laga heli karaa halkan.

Iyadoo ay si aad ah isu bedalayso xaaladda, ayna soo baxayaan macluumaad cusub, ayaa hay’adaha ay khuseyso waxa ay soo saarayaan talooyin joogta ah oo ku saabsan cudurka. Sida ay ula socdaan wararkii ugu dambeeyay, waa in weriyayaasha tebinaya cudurka ay isha ku hayaan wararka ay soo saaraan saraakiisha caafimaadka maxalliga ah,

WHO, Xarunta Xakameynta Cudurrada (CDC) ee fadhigeedu yahay Maraykanka, iyo Caafimaadka Dadweynaha England (PHE).

Waa in weriyayaasha qorsheynaya inay ka warramaan cudurka COVID-19 ay maanka ku hayaan macluumaadka soo socda ee ku aaddan badqabkooda, isla markaana ay si joogta ah ula socdaan xaaladdaha ugu dambeeyay iyo xayiraadaha jira. Waa inaad ogaato in hawl kasta oo aad u baxdo, gudaha ama dibeddaba, ay si lama filaan ah isu bedali karto, maadaama ay xaaladdu tahay mid aan weli saldhigan.

Ka hor- Hawsha  

Reunion iyo Ukraine, halka dibedbaxyada ka socda Ciraaq and Hong Kong uu uga sii daray cudurka COVID-19.

Amniga Dhijitaalka 

Qorsheynta Safarka 

Iska Ilaali Caabuqa 

kuwo biyaha celiya, labaduba waa in la dhaqo isla marka aad ka soo baxdo goobtaasi. Haddii aad xirato kabaha biyaha celiya, waa in aad iska tuurto ka hor inta aadan goobta ka soo bixin, dibna aan loo xiran.

Haddii aad ka shaqeyso Shiinaha: 

Maaskaraha Wejiga 

Xarunta CDC iyo hay’adda WHO ayaa isku raacay in aanay muhiim u ahayn dadka aan lagu arkin astaamaha cudurka inay xirtaan maaskaraha, haddii aysan kugu amrin dowladda; haddii aad ku sugan tahay goob khatarteedu badan tahay sida cisbitaalka ama aad daryeelayso qof looga shakiyay cudurka COVID-19. Haddii se aad xirato maaskaraha, waa inaad raacdo talooyinkan:

Kadib-Hawsha 

Iyadoo la eegayo in goobta aad ka soo laabatay ay tahay mid uu si weyn uga jiro cudurka, ayaa waxaad lagaaga baahan karaa inaad is-karantiisho. Fadlan eeg talooyinka dawladda ee ku aaddan arinkan.

Isha ku hay wararkii ugu dambeeyay iyo macluumaadka COVID-19, iyo sidoo kale hannaanka karantiilka ee laga meelmariyay dalka aad ka timid iyo kana aad u socoto.

–Haddii aad isku aragto astaamaha cudurka 

— Haddii aadan lahayn astaamaha cudurka

Qalabka Badqabka CPJ ee online-ka ah ayaa waxa uu weriyayaasha iyo warbaahinta siiyaa macluumaadka asaasiga ah ee badqabka jireed, kan dijitaal iyo midka maskaxeed, gaar ahaan marka ay soo tebinayaan wararka rabshadaha sokeeye iyo doorashooyinka.

 

 

Horn Cable Tv 

Waaxda ONLINE-ka