Soomaaliya: Falal Argagax Leh Oo Geysanayaan Beelo Ku Dagalaamaya Shabeelaha Hoose

Wallo-weyn (HCTV) – Dhacdooyin fool xun ayaa ka dhashay Dagaal beeleed Toddobaadyadii u dambeeyay u dhexeeyay Beelo wada dega degmada Walla-weyn ee Gobolka Shabelada Hoose ee dalka Soomaaliya.

Marka laga yimaaddo, Dagaalka Xabadda la isku adeegsaday waxa Ilaa Shalay socday Falal aad u qalafsan, waxaana ka mid ah in Dad la gubay, guryana la gubay inta dab la qabadsiiyey.

Shalay, Dhallinyaro u abaabulan hab-beeleed ayaa inta ay qabteen Nin isla-markaana gawraceen, markii dambana dab qabadsiiyey, sida lagu arkay Muuqaal lagu baahiyey Internet-ka.

Dagaalka labada Beeleed dhex maray oo intii uu socday ay ku dhinteen Dad gaadhay 20 Qof, kuna dhaawacmeen Dad 30 ka badan, ayaa hadda ku soo biiray falalkan foosha xun ee Gawraca iyo Gubista ah, iyadoo dhacdooyinka intii dagaalku socday dhacay ay ka mid yihiin in Aabo iyo Carruurtiisa oo lagu weeraray guri aay daganayeen isla-markaana dhamaantood lagu laayay.

Dagaalka oo ka bilowday degmada Wanlaweyn ayaa ku fiday deeganada u dhadhaw, waxaana la sheegayaa inuu saameeyay ilaa 5 tuulo oo hoos taga degmada.

Gudoomiyaha degmada Wanla-weyn ee gobolka Shabelada Hoose, Maxamed Sidoow ayaa sheegay inay ku howlan yihiin sidii loo xalin lahaa dagaalkan, wuxuuna sheegay inay garab badan ka rabaan siyaasiyiinta iyo waxgaradka labada beelood si xal rasmi ah loo gaadho.

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay in dhacdooyinka foosha xun ee intii dagaalku socday ay ka mid tahay in 8 Qof mar keliya meel lagu wada dilo “Arrinka foosha xun wuxuu ahaa markii 8 qof hal meel lagu dilay iyo in dab la qabsiiyo, aad ayaan uga xunahay falalka dhacay”ayuu yidhi, Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka