Somali News

Wasaarada Caafimaadka Oo Beenisay Inay Jiraan Dad Qaba Coronavirus Oo Baxsaday

By Ahmed Cige

April 14, 2020

Hargeysa, (HCTV) – Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka Somaliland, Maxamed Cabdi Xergeeye, oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta Wasaarada Caafimaadka Somaliland, ayaa beeniyey warar sheegaya inay baxsadeen laba qof oo ka mid ahaa dadkii laga helay cudurka Coronavirus.

Agaasimaha Xergeeye waxa uu uga digay dadka faafinaya wararka beenta ah inay ka taxadiraan arintaasi ”Ma Jiraan Dad Baxsaday Oo Qaba Xanuunka Covid-19”