Wasiirka Caafimaadka Somaliland Oo Xaqiijiyey In Qofkii Ugu Horeeyey U Geeriyooday Covid19

Hargeysa, (HCTV) – Wasiirka Caafimaadka Somaliland ayaa xaqiijiyay qofkii u horreeyay Somaliland inuu ugu geeriyooday Cudurka Covid-19.

Qofka dhintay oo ahaa Nin ayaa ku geeriyooday magaalada Boorama, waxaana maalintii shalay lagu aasay Boorama oo ah xarunta gobolka Awdal, iyadoo maanta la shaaciyay Natiijada Baadhitaankiisa.

Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa sidoo kale xaqiijisay in saddex kiis oo cusub oo Covid19 ah laga helay Somaliland.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.