Muqdisho (HCTV) – Baarlamaanka Dawladda Soomaaliya ayaa kalsoonida kala laabtay Raysl-wasaare Xasan Cali Khayre Iyo Xukuumadda.
Fadhigii Maanta oo shir-guddoominayey Guddoomiyaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa cod gacan taag ah kalsoonida lagala laabtay Raysal-wasaare Khare, taasi oo ka dhigan in Xukuumaddiisii dhacday.
170 Xildhibaan oo ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamaanka ayaa ku codeeyay HAA isla-markaana ogolaaday kalsooni kala noqoshada Xukuumadda Raysal-wasaare Xasan Cali Khayre.
Arrintan ayaa ahayd mid kadis ah oo àan hore loo sii ogayn.
Horn Cable Tv
Waaxda Online-ka