Beesha Caalamka Oo Ka Hadashay Qabashada Shirka Dhuusomareeb Ee Madaxweyne Farmaajo Ku Baaqay

Nairobi, (HCTV) – Beesha caalamka ayaa soo dhaweeysay go’aanka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi  ee ku aadan qabashada shir wadatashi ah oo uu la yeelandoono madaxda Dowlad Goboleedyada, shirkaas oo lagu qaban doono Dhusamareeb.

Beesha caalamka ayaa ku baaqday in ka-qeybgalayaasha inay si firfircoon oo daacadnimo ku dheehantahay uga qaybqaataan madashaas, si xal loo helo iyadoo loo marayo isu tanaasul cadaalad ku dhisan oo loo sameeyo danta qaranka, laguna heshiiyo hirgelimta hanaankii 17kii Sebtembar ee dardargelinta qabashada doorashooyinka.
Daneeyayaasha Soomaaliya ayaa shirka Dhuusomareeb u aragta dariiqa ugu muhiimsan ee xal looga gaari karo caqabadaha hortaagan doorashooyinka Soomaaliya oo dib u dhac weyn uu ku yimid.
Wadamada beesha caalamka iyo ururada soo saaray bayaankaan ayaa kala ah, hawlgalka Midowga Afrika, Belgium, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, JarmalkaUrur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Ururka Jaamacadda Carabta, Holand, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.