Cabdicasiis Gacan Oo Dhaawac Kaga Maqnaa Ciyaartii Kama Danbaysta Ahayd Ee Koobka Gobolada Somaliland Oo Bilado La Gudoonsiiyey

Hargeysa, (HCTV) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta qasriga madaxtooyada Somaliland ku gudoonsiiyey billadii uu xaqa u lahaa Ciyaaryahan Cabdicasiis Aadan Cumar oo ku magac dheer (Gacan) kana mid ahaa xulkii gobolka Daadmadheedh ee 16-11-2020 ku guulaystay koobkii gobolada Jamhuuriyadda Somaliland ee Kubadda Cagta oo uu maalintaasi kaga maqnaa ciyaartii kama danbaysta ahayd dhaawac culus oo ka soo gaadhay lugta midig oo uu ka jabay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ka duulaya dhiirigelinta da’ayarta dalka, kana jawaabaya codsi uu hore madaxweynaha warbaahinta u soo mariyey ciyaaryahan Cabdicasiis Aadan waxa uu maanta madaxweynuhu gudoonsiiyey laba abaalmarinood oo kala ah ciyaartoygii ugu fiicnaa ciyaaryahanadii xulka gobolka Daadmadheedh oo loo doortay isaga, iyo Billad sharaftii ciyaaryahanadii isugu soo hadhay kama danbaysata koobka Gobolada Somaliland oo madaxweynuhu maanta qoorta u sudhay ciyaaryahanka sidoo kalena uu u saxeexay garanka uu u xidho xulkiisa gobolka Daad-madheedh.

Madaxweynaha waxa kulankaasi ku wehelinayey wasiirrada wasaaraddaha dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland, Mudane Boos Mire Maxamed, Tamarta iyo Macdanta, Mudane Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbul xaakimka kulmiye, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere) iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale)

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.