Turkiga Oo Cambaareeyay Qaraxii Dadka Badan Ku Dhinteen Ee Xalay Ka Dhacay Muqdisho

Ankara, (HCTV) – Wasaarradda Arrimaha dibadda dalka Turkiga ayaa si adag u cambaaraysay Qaraxii xalay fiidkii ka dhacay makhaayad ku taala magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia.

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Arimaha dibada Turkiga ayaa lagu sheegay in ay si adag u cambaaraynayaan qaraxa ka dhacay makhaayada Luul Yemeni restaurant, oo ay ku dhinteen dad labaataneeye qof ku dhaw, kuna dhaawacmeen 30 kale.

”Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarka foosha xun ee Argagixisadu ka geysatay magaalada Muqdisho waxaanan tacsi u direynaa shacabka walaalaha ah iyo Dowlada Soomaaliya Waxaan u rajeynaynaa naxariista Eebbe korkiisa kuwa naftooda ku waayey,waxaana u rajeeyneynaa caafimaad deg deg ah kuwa dhaawacmay”

Qaraxa xalay oo ahaa kii ugu cuslaa ee waayadan soo mara magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku geeriyooday ku dhawaad 20 ruux oo isugu jiray shacab iyo Askar halka in ka badan 30 ruuxna ay ku dhaawacmeen.

Bartilmaameedka qaraxa ayaa ahaa maqaaxida lagu magacaabo Luul Yemeni oo ku taala degmada Xamar-Jajab meel aan ka fogeyn dekedda magaalada Muqdisho.