Qarax Lala Beegsaday Mid Ka Mid Ah Gaadiidka Wacyigalinta COVID19 Ee Muqdisho Oo Khasaare Dhimasho Ka Dhashay

Muqdisho, (HCTV) – Qarax ayaa degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho lagula beegsaday mid ka mid ah gaadiidka qeybta ka ah ka wacayglinta dadka ee khatarta cudurka Covid 19.

Wararku waxaa ay sheegayaan in qaraxan uu ku geeriyooday Darawalkii gaariga, sidoo kalana ay ku dhaacmeen qaar ka mid ah askartii ilaalada aheyd ee la soctay.

Goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa markiiba gaaray qaar ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya oo bilaabay baaritaanno la xiriira qaraxa.

Waa markii ugu horreysay oo la bartilmaameedsado mid ka mid ah gaadiidka ku howlan ka wacyigalinta dadka khatarta cudurkan dunida ku faafay ee Coronavirus.