Wasiirka Waxbarashada Somaliland Oo Amaro Duldhigay Dugsiyada Gaarka Loo Leeyahay

Hargeysa, (HCTV) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Maxamed Toorno, ayaa awaamiir culus duldhigay goobaha Waxbarashada dalka, gaar ahaan kuwa gaarka loo leeyahay oo uu sheegay in sharciga iyo siyaasadda waxbarashada Dawliga ah lagu dhaqi doono, kuwa ka horyimaadaana waajihi doonaa ciqaab sharci.

Wasiir Toorno waxa uu madnuucay in Ardayda dugsiyadaasi dhigta laga qaado lacag ka baxsan Feega Bisha ah ee uu xeerku ogolyahay, isagoo dhinaca kale ku amray in aan la aqbali karin in Fasallada la fadhiisiiyo wax ka badan 48 Arday  oo uu midkiiba xaq u leeyahay in uu fadhiisto bed dhan 1Meter oo laba jibaaran.

Sidaasina waxa uu wasiirku ka sheegay shir jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen Magaalada Hargeysa Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha iyo Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex oo ku wehelinayey kormeer xaallad deg deg ah oo ay ku tageen dugsiga Salaama ee Magaalada Hargeysa oo ay saaka Ardayda wax ka bartaa sameeyeen kacdoon rabshadaysan.