Wajigii Koowaad Ee Shirka Dowladda Federalka Iyo Maamul Goboleedyada Somalia Oo Ka Dhacay Teendhada Afsiyooni

Muqdisho, (HCTV) – Teendhada Afsiyooni ee magaalada Muqdisho waxa maanta ka furmay shir gaar ah oo ay ka maqnaayeen madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble,  madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa waxaa ka maqan oo aan ka soo qeybgalin madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland oo maalmihii ugu danbeeyayba u joogay Muqdisho ka qeybgalka shirkan, hasse ahaatee waxaa soo baxaya in uu jiro khilaaf xoogan oo ku gadaaman ajandaha shirka iyo cidda hoggaamineysa.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abukar Dubbe ayaa sheegay inuu soo dhamaaday wajigii koowaad ee shirka wadatashiga dowladda federalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in shirka wajigiisa koowaad uu ahaa akhrinta ajendaha iyo is araga madaxda kala duwan ee dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada.
Wuxuu sheegay madaxda Puntland iyo Jubbaland oo shirka lagu casuumay in aanay kasoo qeyb galin, isagoo sheegay in dowladda federalka aysan ogayn sababta labada madaxweyne shirka u imaan waayeen.
Wuxuu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu kasoo baxay ballantiisii ahayd inuu shirka iskugu yeedho madaxda siyaasada, isagana uu noqday qofkii ugu horreeyay ee shirka yimid.