Muqdisho: Hoobiyeyaal Lagu Weeraray Xalane Oo Khasaare Sababay Iyo Qarax Lagu Dilay Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Somalia

Muqdisho, (HCTV) – Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex qof ay ku dhinteen, shan kalena ay ku dhaawacmeen kadib hoobiyeyaal markale maanta lagu weeraray xerada Xelane.

Xeradan Xalane ee hoobiyeyaasha lagu weeraray ayaa waxa degan ciidamada Nabad ilaalinta ee AMISOM Iyo Qaramada Midoobay, waxaanay warbaahinta Somalia ay ku waramaysaa in tiro madaafiic ahi ay ku dhaceen dhismayaal ay dad rayid ahi degenaayeen.

Dhinaca kale qarax miino oo ka dhacay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir lagu dilay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sarkaalka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Bariise, sidoo kale qaraxa  ayay ku dhaawacmeen askar ilaalo u aheyd sarkaalka dhintay.

Ciidamo ka tirsan dowlada ayaa gaadhay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa ka qaaday dhaawacyada askartii waxyeelada ka soo gaartay qaraxa.

Maalmihii ugu danbeeyayba magaalada Muqdisho ku soo badanayay qaraxyada la dhigo waddooyinka ee lala eegto saraakiisha iyo mas’uuliyiinta dowladda