Digtoor Caan Ah Oo Sheegay In Shaqada Siyaasada Iyo Dhakhtarnimada Uu Ka Fadhiisanayo

Hargeysa, (HCTV) – Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ah Siyaasi iyo Dhakhtar caan ka ah dhulka Soomaalida ah ayaa sheegay inuu ka fadhiisanayo shaqooyinkii dhinaca siyaasada iyo dhakhtarnimada ee uu qaban jiray.

Dr Gaboose oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargaysa ayaa sidaasi shaaciyay, waxaanu sheegay in inta noloshiisa ka dhiman uu ku bixin doono, barashada diinta Islaamka, ka shaqaynta arrimaha samafalka iyo in uu wakhti la qaato qoyskiisa.

“faq dheer iyo xogo badan oo aanu is waydaarsanay aniga iyo naftaydu kadib, waxan ku qancay in wixi hada ka danbeeya, aan usoo jeesto, hawlaha sama falka, barashada diinta Islaamka iyo ka warqabka caruurtayda” ayuu yidhi DR. Gaboose.
Gaboose ayaa sheegay in uu dhisay isbitaal weyn oo ay ka hawlgalaan xeel dheerayaal caafimaad sida darteedna uu ka nasan doono hawlihii caafimaadka.
Digtoorka ayaa dhinaca kale sababta uu siyaasada uga fadhiisanayo ku sababeeyay in da’diisu ay sii waynaatay isla markaana uu daciifnimo dareemayo.