Shir Wadatashi Ah Oo Ay U Balansanaayeen Dowladda Somalia Iyo Maamul Goboleedyadu Oo Dib U Dhacay

Muqdisho, (HCTV) – Shirkii wadatashiga ee loo balansanaa maanta inuu dhexmaro dowladda federalka Somalia iyo maamul goboleedyada ayaa maanta dib  dhac ku yimid kadib markii madaxweynaha Galmudug uu shalay u safray magaalada Dhuusomareeb.

Madaxweyne Qoorqoor  ayaa Dhuusomareeb u tagay si uu ilaaliyo dastuurka Galmudug oo sheegaya in madaxweynuhu muddo ka badan 45 cishe uusan ka maqnaan karin Galmudug.
Madaxda kale ayaa isku raacay in shirka berrito dib loogu dhigo.
Madaxda weli ma aysan soo bandhigin illaa iyo hadda wax lagu heshiiyay ama la isku afgartay oo ku saabsan waxyaalihii laga wada hadlayay ee arrimaha doorashada ku saabsanaa.
Beesha caalamka ayaa soo dhoweysay wada xaajoodka u socda hoggaamiyayasha siyaasada waxayna ku boorriyeen in ay sii joogaan Muqdisho illaa iyo inta xal laga gaarayo caqabadaha hortaagan qabsoomida doorashada.