Baarlamaanka Somalia Oo Go’aamiyey In Laba Sanadood Doorasho Lagu Qabto Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Soo Dhaweeyey

Muqdisho, (HCTV) – Baarlamaanka Somalia ee mudo xileedkiisu dhamaaday  ayaa isku raacay shirciga jiheynta doorashooyinka Qaranka iyaga oo ansixiyay in muddo Labo sano ah lagu soo diyaariyo doorasho qof iyo cod ah.

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Somalia Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in  in muddo 7-bilood ah oo ka bilaabaneysay 1-ka November 2020 Ku siman 8-da February

2021 xubnaha heshiiska 17-kii September 2020 galay ay dayaceen fursad lagu hirgelin karayey doorashooyinka.

Guddoomiye Mursal ayaa ku dhawaaqay in 153 Xildhibaan ay joogeen golaha, isla markaana 149 xildhibaan ay ogolaadeen in laba sanadood lagu hirgaliyo doorasho Somalia ka dhacda, waxaa ka aamusay 1 Xildhibaan, halka ay diidaan 3  xildhibaan kale sida uu natiijadaas ku dhawaaqay.

Sharcigan ay Baarlamaanka ansixiyeen ayaa ka dhigan in dowladda hadda jirta ay sii shaqeyn doonto mudada Labada sano ah ee nagu soo foolka leh.

Dhinaca kale Madaxweynaha  Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Sharciga golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ka soo saareen jiheynta doorashooyinka.

Sharcigaan ayaa dhigaya in guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Soomaaliya  ay muddo labo sano ah ku diyaariyaan qabashada doorasho toos ah oo qof iyo cod ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay sharcigan inuu ku yimid kaddib markii qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada uu ku eedeeyay in ay curyaamiyeen Heshiiskii 17-ka Sebteembar ee Doorashooyinka dalka oo 26kii Sebteembar 2020 uu ansixiyey Baarlaamnka JFS.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Xukuumaddu ay qaadaneyso doorka kaga aaddan fulinta sharcigan ay ansixiyeen Golaha Shacabka oo uu tilmaamay inuu dalka u jiheynayo doorasho toos ah, dibna ugu soo celinaya Shacabka Soomaaliyeed xuquuqdooda dastuuriga ah ee ku aaddan in ay doortaan hoggaanka ay ku aaminayaan talada iyo masiirka qaranka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhinaca kale sheegay in aysan aqbaleyn faragelinta shisheeye oo lagu sameeyo doorashooyinka dalka oo uu tilmaamay in ay yihiin arrimo ay u madaxbannaan yihiin shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.