Midowga Afrika Oo Diiday Go’aankii Muddo Kordhinta Farmaajo Loogu Sameeyey

Addis Ababa, (HCTV) – Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (AU) ayaa caawa soo saaray bayaan ay ku cambaareynayaan go’aankii baarlamaanka Soomaaliya uu labo sano ugu kordhiyay dowladda, kaasoo meesha ka saaraya heshiiskii 17-kii Sebtember-2020.

Golaha nabadda midowga Afrika ayaa sheegay in go’aanka barlamaanka uu qaatay uu wiiqayo midnimada iyo xasilloonida dalka, geeddi-socodka dimoqraadiyadda iyo dastuurka curdanka ah.
Wuxuu kaloo sheegay inuu khatar ku yahay nabadgelyada iyo guulaha muhiimka ah ee ay Soomaaliya ku tallaabsatay sannadihii la soo dhaafay iyadoo gacan ka heleysa Midowga Afrika.
Bayaanka waxaa lagu qiray in heshiiskii 17-kii Sebtember 2020 uu ka turjumayo baahida loo qabo in la qabto doorasho waqtigeeda ku dhacda. Iyo in Soomaaliya aysan awood u lahayn inay hirgeliso doorasho hal qof iyo hal cod ah sannadka 2020/21.
Wuxuu sidoo kale xaqiijinayaa sida midowga Afrika uu sheegay, in Heshiiska uu aasaas u yahay waddada ugu macquulsan ee lagu gaari karo in Soomaaliya lagu qabto doorasho waqtigeedii ku dhacda, hufan oo lagu kalsoonaan karo.
Golaha nabadda Midowga Afrika waxay ku booriyeen hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya inay mudnaanta siiyaan danaha qaranka iyo in si deg-deg ah dib loogu billaabo wadahadalka, iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17-kii Sebtember 2020 iyo talooyinka guddiga farsamada ee Baydhabo, iyadoo la raadinayo xal is-afgarad ah oo laga gaaro arrimaha taagan ee caqabadda ku ah qabanqaabada doorashooyinka.
Midowga Afrika wuxuu caddeeyay inuu diyaar u yahay inuu taageero geedi socodka wada hadalka iyada oo loo marayo fududeynta iyo dhexdhexaadinta, taas oo tilmaamaysa qaab cusub oo lagu gaari karo is afgarad ku saabsan doorashooyinka iyo jadwal cayiman.