Dagaal Ka Socda Qaybo Ka Mid Ah Magaalada Muqdisho Iyo Gaadiid Dagaal Oo La Gubay

Muqdisho, (HCTV) – Wararka ka imanaya caasimmada dalka Somalia ee Muqdisho ayaa sheegaya in dagaal uu ka dhacay qaybo ka mid ah Degmada Cabdicasiis iyo Degmada Hodan gaar ahaan Isgoyska KM4.

Degmada Cabdicasiis ee dagaalku ka dhacay ayaa waxa degan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

Waxaanu dagaalku dhexmaray Ciidamo ilaalinayey Musharixiintaasi iyo Ciidamada dawlada Sommalia ee ka amar qaata madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dhinaca kale  Dagaal culus oo ka qarxay qeybo ka mid ah degmada Hodan gaar ahaan Isgoyska KM4, ayaa dagaalkani waxa uu daba socday dagaal maanta ka dhacay degmada Cabdicasiis.

Siyaasiga Cadbiraxmaan Cabdishkuur Warame oo degan aaga uu dagaalku ka socdo ayaa sheegay in hoygiisa ay ku soo weerareen sida uu hadalka u dhigay ciidamo ka amar qaatay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dagaalka oo ah mid culus ayaa lagu waramayaa in ay ku lug leeyihiin saraakiil caan waxaana leysku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

Hase yeeshee inkasta oo ay jiraan gaadiid dagaal oo goobta lagu gubay ayaan hadana si rasmi ah loo ogayn khasaaraha dhimashada ee ka dhashay dagaalkaasi.