Kenya Oo Qorshaynaysa Inay Mamnuucdo Xidhiidhka Jaceyl Ee Ka Dhexeeya Saraakiisha Booliska

Nairobi, (HCTV) – Dawladda Kenya ayaa qorsheyneysa inay mamnuucdo xidhiidhka jaceyl ee ka dhexeeya saraakiisha booliska.

Talaabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu yareeyo xadiga dambiyada badan ee kalgacaylka iyo isku heelanaanta saraakiisha, wasiirka arimaha gudaha Kenya ayaa sidaasi ka sheegay xaflad telefishanka laga sii daayay oo ka dhacday Dugsiga Tababarka booliska.

Shuruucda ayaa marka hore u baahan in la siiyo shaambada ansixinta Golaha Amniga Qaranka, kaas oo dusha kala socda dhammaan ciidamada amniga dalka, ayuu yidhi Fred Matiang’i.

Dhinaca militariga, xidhiidhka noocan ah waxa hore looga mamnuucay saraakiisha darajooyinka kala duwan leh, ayuu yidhi.

Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, waxaa kordhay dilalka dhexmara saraakiisha booliska, ayuu yidhi wasiirku.

“Dib uma eegi karno wax badan oo mana xallin karno qaar ka mid ah caqabadaha naga haysta waaxda amniga,” ayuu yidhi Mr Matiang’i.

Xafiiska xidhiidhka jinsiga ayaa sidoo kale eegi doona kiisaska faraxumeynta galmada ee ay soo tabiyaan dumarka booliska ka tirsan.

“Hore u socoshada, waxay noqon doontaa sharci daro in sarkaal booliis ah uu shukaansado ama guursado Sarkaalad Boolis ah oo sharciga fuliya Haddii ay dhacdo in labada sarkaal oo bilays ah ay is jeclaadaan, markaa mid waa inuu ka tagaa adeegga shaqada booliska, ”