Midawga Yurub, Maraykaka Iyo Ingiriiska Oo Soo Dhaweeyey Go’aankii Baarlamaanka Iyo Dhawaaqii Madaxweyne Farmaajo Ee Maanta

Nairobi, (HCTV) –  Midawga Yurub, Maraykaka Iyo Ingiriiska ayaa Soo Dhaweeyey Dhawaaqii Ka Soo Yeedhay Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Farmaajo.

Ergayga Midawga Yurub u qaabilsan Somalia Ambassador Nicolas Berlanga ayaa ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay Barta Twitterka in Midawga Yurub uu Soo Dhaweeyey Go’aankii Golaha Baarlamaanka Somalia iyo Dhawaaqii ka soo yeedhay Madaxweyne Farmajo.

Waxaanu tilmaamay in Hadda, aanay jirin wax shuruudo hordhac ahi, ama aanu gacan ka hadal dhicin.

Waxaanu intaasi raaciyey Ambassador Berlanga in Raysal Wasaaraha Somalia uu ku xisaabto taageerada wax ku oolka ah ee dhammaan madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka iyo jilayaasha kale ee siyaasadeed si hore loogu sii socdo geeddi-socodka ay Soomaalidu hoggaamineyso.

Dhinaca kale Dowladda UK ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo qabto doorashada Soomaaliya, xilli uu maanta barlamaanka Soomaaliya horyimid madaxweyne Farmaajo oo shaaciyay in raysal wasaare Rooble uu hoggaamindoono diyaarinta iyo hirgalinta doorashooyinka dalka.

Safiirka UK ee Soomaaliya, Kate Foster ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in sida ugu dhaqsaha badan loo qabto doorasho ku saleysan is afgarad, iyadoo laga ambaqaadayo heshiiskii 17 september.

Kate Foster waxay soo dhoweysay go’aanka madaxweyne farmaajo ee ah inuu dib u soo celiyo wada hadaladii uu la lahaa madaxweynayaasha dowlad goboleedyada.

Safiirka UK waxay ku baaqday in si sharuud la’aan ah loo bilaabo  hadalka. Waxay dhinaca kale u mahad celisay raysal wasaaraha Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada diiday muddo kororsiga.