Madaxweynaha Somaliland Oo Dhagax-Dhigay Waddada Labada Boqol (Hargeysa BYPASS) Ee Caasimadda lagaga Yaraynayo Saxmadda

Hargeysa, (HCTV) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta dhagax-dhigay waddo cusub oo isku xidhaysa Kaantaroolka Halleeya iyo Cusbitaalka Shifo oo dhan 22.5KM, taas oo dhinaca waqooyiga ka maraysa magaalada Hargeysa, islamarkaana saxmadda iyo cidhiidhiga lagaga yaraynayo caasimadda Hargeysa.

Munaasibadda dhagax-dhigga, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay safiirro ka socda dalalka Ingiriiska, Imaaraadka, Taywaan (Taiwan), madaxda kala duwan ee mashruuca DP World, guddoomiyaha xisbiga UCID,  xubno kamid ah golaha wasiirrada, badhasaabka gobolka Maroodi-jeex iyo Maayarka Caasimadda iyo ku xigeenkiisa, madaxda shirkadda dhismaha waddada gacanta ku haysa iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda ay waddadani leedahay iyo kaalinta ay ka qaadanayso isu socodka gaadiidka iyo horumarinta dhaqaalaha.

Ugu horrayn Madaxa mashruuca Berbera Corridor, Eng. Ciise Yuusuf Maxamed (Xamari), ayaa isaguna si hufan u sharraxay waddadan cusub ee caasimadda lagaga yaraynayo cidhiidhiga gaadiidka, waxana uu tilmaamay inay waddadu yeelan doonto Biriijyo waaweyn iyo Buundooyin yaryar oo biyuhu mari doonaan, islamarkaana hareeraha waddada la beeri doono, lana ilaalin doono buuraha astaanta u ah caasimadda ee Naasa Hablood oo ay waddadu duleedkeeda mari doonto.

Madaxa DP World u qaabilsan mashruuca Berbera Corridor, Mr. Angus Miller oo munaasibadda ka hadlay, ayaa caddeeyey inay ka go’an tahay dhammaystirka waddadan muhiimka, isaga oo intaas ku daray inay hawsha waddada wax badan ka qabteen, kuna dedaali doonaan inay ku dhammaystiri doonaan muddo 22 bilood ah.

Safiirka dawladda Ingiriiska Amb, Kate Foster oo ay dawladdeedu maalgelinayso mashruuca waddadan, ayaa iyaduna ku dheeraatay muhiimadda ay waddadani u leedahay qaranka Somaliland iyo kaalinta ay ka qaadanayso  isu socodka gaadiidka, horumarinta dhaqaalaha iyo yaraynta cidhiidhiga xagga gaadiidka ah ee haysta caasimadda Hargeysa.

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka, Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan oo ay hoos yimaaddaan dhammaanba mashaariicda dhinaca waddooyinka ah ee dalka ka socda oo munaasibadda ka jeediyey khudbad dheer, ayaa tilmaamay in dhismaha waddada cusub ee maanta la dhagax-dhigay ay kamid tahay mashruuca weyn ee Berbera Corridor, si gaar ahna ay dawladda Ingiriisku u maalgelisay waddada qaybta cusub ee maanta la dhaga-dhigay, islamarkaana ay ku baxayso lacag dhan 17milyan oo Dollar.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhankiisa ammaanay horumarka iyo dedaalka ka socda guud ahaanba mashruuca Berbera Corridor ee lagu dhisayo waddada Berbera iyo Wajaale oo la hubo inay wax badan ka tarayso horumarka dalka, koboca dhaqaalaha iyo isku xidhka guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ganacsatada iyo guud ahaanba shacabka Somaliland ugu baaqay inay gacmaha isu qabsadaan sidii ay waddooyin u dhisan lahaayeen, una fududayn lahaayeen isku xidhka gobollada iyo degmooyinka dalka, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Waxaynu u baahannay inay maskax iyo muruq isugu geynno sidii aynnu waddooyin u dhisi lahayn, inta la inaga caawiyaana waa Alxamdulilaahi, laakiin innagu weynnu dhisi karnaa baan qabaa waddooyin Badan, waxana jecelahay inaan qolada Ganacsatada ah iyo maalqabeenka dalka usoo jeediyo inay dhisi karayaan waddada Burco ilaa Hargeysa.”

Madaxweynuhu waxa uu usoo jeediyey, siyaasiyiinta, waxgaradka, aqoonyahanka, waayeelka, madaxda iyo culimada Somaliland inay ka shaqeeyaan wada-jirka iyo midnimada shacabka, loona diyaar garoobo doorasho bilaa turxaan ah oo inoo qabsoonta.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu si rasmi ah u dhagax-dhigay waddada weyn ee Labada Boqol oo socon doonta muddo ku siman 22 bilood oo haatan ka bilaabmaysa, isagoo soo kormeeray waddada cusub oo inteeda badan carro-tuulkii la dhigay.