Shirkadda DP World Iyo Dawlada Ethiopia Oo Heshiis Lagu Horumarinayo Jidka Berbera Corridor Kala Saxeexday

Addis Ababa, (HCTV) – Wasaaradda Gaadiidka Itoobiya iyo shirkadda DP World ayaa kala saxeexday Heshiis is-afgarad oo lagu horumarinayo Jidka Berbera Corridor ee dhinaca Itoobiya.

Heshiiskan Is-fahamka, ayaa maanta ay laba dhinac ku kala saxeexdeen magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia, waxaana u kala saxeexay, Wasiirka Gaadiidka ee Itoobiya, Dagmawit Moges, iyo Sultan Ahmed Bin Sulayem, oo ah Guddoomiyaha iyo agaasimaha guud shirkadda DP World.

Suldan Axmed bin Sulayem ayaa sheegay inuu si aad ah u aaminsanyahay in horumarinta Wadada Berbera oo laga dhigo mid ka mid ah marinada waaweyn ee ganacsiga iyo saadka ay furi doonto dalka Ethiopia faa’iidooyin dhaqaale oo aad u balaadhan, iyadoo qayb ka qaadan doonta fulinta  qorshayaasheeda horumarineed.

Sidoo kale Wasiirka Gaadiidka dalka Ethiopia Mudane Dagmawit Moges, oo ka hadlay munaasibadii heshiiska lagu kala saxeexday ayaa sheegay “in ujeedadayadu ay tahay inaanu furno awoodaha horumarineed ee Itoobiya ee loogu talagalay inay dalka u horseedo inuu noqdo isha Afrika ee barwaaqada, isbadalka warshadaha saadka ayaa lafilayaa inay qayb ka ciyaarto hogaaminta doorka waxqabadka.

Is-fahamka ayaa u gogol xaadhaya wadahadallo rasmi ah oo ku saabsan suurtagalnimada in la horumariyo Jidkaasi si loo furo faa’iidooyinka dhaqaale oo badan.

Shirkadda DP World waxa ay sheegtay inay ka go’an tahay inay ku maalgaliso kuna balaadhiso dekeda Berbera maalgashi dhan US$442 million, waxaana markii ugu horaysay gabogabo ku dhaw wajigii koobaad ee dekeda Berbera.

Waxaana sidoo kale Shaqo dheeri ahi ay ka socotaa oo ku saabsan balaadhinta Qaybta wiishka ilaa 1000 mitir taas oo kordhin doonta awooda ilaa laba milyan oo TEUs ah, oo ay ku shaqeeyaan 10 wiish.