Madaxweynaha Somaliland Oo Shacbiga ku Hambalyeeyey 30 Guuradda ka Soo Wareegtay Madax-Bannaanida Qarannimada JSL Ee 18-May

Hargeysa, (HCTV) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu shacbiga Somaliland, dal iyo dibedba ku hambalyeynayaa 30 guurada ka soo wareegtay madax-bannaanida Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May oo ah markii aynu la soo noqonay xornimadii innaga halowday 1960-kii.
Mdaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo la dareen ah shacbigiisa Somaliland waxa uu hambalyo u dirayaa ciidammada qalabka sida ee Alle ka sakow suurageliyey in qarankani soddon jirsado kuna tallaabsado nabadgelyo taam ah oo ay majeertaan Dunida inteeda kale, sidoo kale madaxweynuhu waxa uu hambalyo taa la mida u dirayaa shacbiga qiimaha badan ee barbar-taagan qaranka Somaliland isla markaana marwalba heeganka u ah ilaalinta iyo jiritaanka dalkooda.
Sannad-guuradii 30-aad ee ka soo wareegtay 18-ka May 1991kii oo ah maalintii shirweynihii kowaad ee waxgaradka JSL, isugu yimaadeen magaalada Burco ee ay u dhammaayeen madaxda dhaqan ee beelaha ku dhaqan Somaliland, kuna go’aamiyeen in lagu dhawaaqo inay Jamhuuriyadda Somaliland gaar isu taagto, isla markaana noqoto qaran ka madax-bannaan dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyaddii Soomaalida.
Iyadoo Qarankan loo soo maray halgan dheer oo naf iyo maal badani ku baaba’een, ka dibna aynu ku guulaysanay in aynu la soo noqonno xorriyaddeennii, Horraantii 1991 kii, maantana aynu joogno 30 Sanno oo aynu ku tallaabsanay guullo kala duwan oo la gaadhay horumar weyn, nabadgelyo cago-adag ku taagan, barwaaqo iyo badhaadhe qaranku ku naalloonayo.
Waxa inoo suurto gashay in aynu u debbaal-degno soddonkaa sanno ka dib midhihii aynu beeranay, iyadoo ay inoo hirgaleen wax badan oo aan ka dhicin Geeska Afrika iyo caalamka intiisa badan, maragna ay inooga yihiin cid kasta oo samaha jecel.
Mar labaad Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu hambalyo u dirayaa shacbiga Somaliland iyo noocyada kala duwan ee ciidamada sooma-jeestayaasha ee ku kala sugan xuduudaha dalka heegankana ugu jira inay cadowga ka hiraan soohdimaha Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL