Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Kulan La Qaatay Danjiraha Imaaraadka Carabta

Muqdisho, (HCTV) – Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Xafiiskiisa kulan kula yeeshay Danjiraha dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed axmed Alcuthman.

Kulanka Raysal wasaare Rooble iyo Dannire Alcuthman dhexmaray ayaa looga hadlay arrimo badan oo aay ka mid ahayeen xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo wax ka qabashada xaaladaha ka dhashay fatahaada uu dhawaan ka sameeyay wabiga Shabeelle degmada Jowhar iyo deegaanada hoos yimaada.
Danjire Axmed Alcuthman ayaa Raysal wasaaraha Soomaaliya uga mahadceliyay soo dhaweeynta uu u sameeyay, isagoona balan qaaday iney dowladda Soomaaliya ka caawin doonan dhan walbo oo horumarka ku saabsan.
Kulanka maanta dhexmaray Rooble iyo Danjiraha Imaaraadka Carabta ayaa imaana iyadoo wali uusan wanaagsaneen xiriirka u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, waxuuna noqonaya kulankaani mid muujinaya isu soo dhawaasho ka badalan celaaqaadkii horay uga dhaxeeyay labada dal.’